Taliyaha Booliska Soomaaliya Jen. C/xakiin Dahir Saacid iyo askari dable ah oo ka tirsan AMISOM ayaa maanta isku gacan qaaday afaafka hore ee garoonka, xilli Taliyuhu is hor-taag lagu sameeyay.
Wararka ayaa sheegaya in Taliye Jen. Saacid iyo askariga kale markii hore ay isku qabteen in la baaro, isla markaana uu diiday, iyadoo askariga uu u diiday inuu garoonka galo.
Muranka kadib ayaa Taliyaha iyo labo askari kale ay goobta isku gacan qaadeen, waxaana markii dambe ku soo baxay Taliyaha qaabilsan qeybta ilaalinta garoonka diyaaradaha, kaasoo isna gacan qaaday askariga gacanta ula tagay Taliyaha, iyadoo halkaas lagu xiray.
Taliyaha Booliska Soomaaliya Jen, Saacid ayaa la sheegay inuu garoonka uga sii hormarayay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, si uu ammaankiisa u sugo.
Inta badan Askarta AMISOM ayaa si xun ula dhaqmay Saraakiisha ciidamada iyo muwaadiniinta Soomaalida, iyadoo la og yahay inay yihiin ciidamo ajnabi, waxaana dhowaan Baarlamaanka ka dooday sharciyada qofka mas’uulka ee ah in aan la baarin ama aan lagu xadgudbin.
Dhowr jeer oo hore ayaa Askarta AMISOM ay xadgudubyo ku sameeyeen saraakiisha ciidamada, iyadoo dhacdadii u dambeysay ay aheyd mid dhowr bilood ka hor ku dhacday Jen. Indha Cadde oo ka horyimid qaabka askar AMISOM ula dhaqmeen haween Soomaaliyed ay doonayeen inay baaraan, taasna muran ka dhashay kadib Jenanka waqti kooban la xiray, deetana dib loo soo deeyay.
Idale News Online