Muqdisho:Iyadoo maalmihii la soo dhaafay ay dagaalo kala duwan ay ka dhacayeen deegaano ka tirsan gobalka Shabeelaha Hoose ayaa waxaa arinkaas ka hadlay Taliska Ciidanka Milatariga Somaliyeed.
Taliyaha ciidanka Xooga dalka Soomaaliya Daahir Aden Cilmi “Indha Qarshe” ayaa waxa uu sheegay in hadawixii ka danbeeyay ciidankooda aysan u dul qaadan doonin in Maleeshiyo gaar ah ama ciidan ka tirsan DF Soomaaliya aan lagu arki karin iyaga oo hub ku dhax sidadeegaano ka tirsan Gobolka shabeelaha Hoose.
Taliyaha ayaa sheegay in ay ugu baaqayaan in kooxaha Maleeshiyada ah ee markasta dagaalo beeleedyada gobalkaas ka dhaliyo ay ku soo biiraan ciidamada Xooga dalka si tababar loogu sameeyo hadii kale ay hubka iska dhigaan ayna si toos ah shacabka uga mid noqdaan.
Taliye Indha Qarshe ayaa sheegay in ay tilaabo ka qaadi doonaan cidii aan ka tisraneyn ciidamada DF Soomaaliya oo hub ku dhex sidata gobalka Shabeelaha Hoose isla markaana lagala wareegi doono hubkiisa.
Sidoo kale taliyaha ayaa sheegay cid aanan eheyn ciidamada Amaanka Gobalkaas aysan tagi karin goobaha Fariisamaha ee dhawaan laga qaaday Isbaarooyinkii yaalay.
Idale News Online, Muqdisho.