Taliska ciidanka Boliska oo maanta ka shirey sidii loo adkeyn lahaa amaanka Dalka.

0
172

Muqdisho:Kulankan oo ay isugu yimaadeen Taliyaha ciidamada booliska Soomaaliyeed iyo saraakiil ka tirsan ciidanka booliska ayaa looga hadalayay dar dargelinta howlaha ciidamada booliska Soomaaliyeed ay ka wadaan dalka oo ay ugu horeyso sugidda amniga.

Taliyaha ciidanka ayaa kulanka waxa uu warbixinno kaga dhageystay saraakiil ka tirsan booliska, kuwaasi oo ka warramay xaaladaha amniga goobaha kala duwan ee ay ciidamada booliska ka howlgalaan iyo baahiyaha jira ee xilligan ay u baahanyihiin ciidamada booliska.

Kulanka kadib ayaa taliyaha ciidamada booliska Soomaaliyeed Jeneral C/xakiin Daahir Siciid Saacid ayaa sheegay in waxyaabaha ay isu imaatankooda kaga hadleen ay ka mid ahayd adkeynta amniga iyo in hub sharci darro ah aan lagu dhex qaadan karin goobaha ay shacabku ku badan yihiin.

Jeneraal C/xakiin Daahir Saciid ayaa sidoo kale tilmaamay in kulanka looga hadlay howla amni ee ay ciidanku booliska ka sameeyeen degmooyin dhowr ah oo ku yaalla gobolka shabeelaha hoose, halkaasi oo uu taliyuhu ku sheegay in laga furay xarun lagu tababaro dhalinta deegaanka oo la qorsheynayo inay ka mid noqdaan ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya.

G.Saacid

Idale News Online, Muqdisho.