Ciidamada Bada ee dowlada Talyaaniga ayaa maanta oo Isniin ah soo badbaadiyey dooni yar oo siday boqolaal tahriibayaal oo ka yimid dalka Liibiya, kuwaasi oo doonayay inay galaan dalkaasi.
Ugu yaraan 31 qof oo kamid ah dadka tahriibayaasha ah ayaa la sheegay inay geeriyoodeen kadib markii neefta ku dhegtay, doonidan oo ahayd mid aad u yar ayey saarnaayeen dad gaaraya 600 qof.
Markab ay leeyihiin ciidamada Bada ee Talyaaniga ayaa doonidan usoo jiiday magaalada Pozzalo oo ku taal jasiirada Sicily oo ka tirsan dalka Talyaaniga.
Todobaadkii lasoo dhaafay ayey ciidamada Bada ee Talyaaniga sidan oo kale ugu gurmadeen dad gaaraya 1.600 tahriibayaal ka yimid qaarada Afrika.
Idale News Online