Tababar loo xiray Guddiga Maamul U Sameynta Gobolada Dhexe

0
203

Muqdisho(INO)-Tababar Muqdisho uga socday Gudiga Farsamada Maamul u sameynta gobolada Mudug iyo Galgaduud ayaa maanta la soo gabagabeeyay. 

Siihayaha wasiirka arimaha gudaha iyo Federaalka Soomaaliya C/laahi Goodax Barre ayaa u soo xiray tababarka gudigaan oo maalmo ka hor Muqdisho uga bilowday.

Tababarka ayaa maalmihii uu socday Waxaa Diirada lagu saarayay qaabkii loo wajihi lahaa Dhismaha maamulka gobolada Dhexe, Iyadoo Todobaadka Soo socda lagu wado in Si rasmi ah Gudigani uu uga galo Howsha loo Xilsaaray Ee ah in Maamul la isku Raacsan yahay ay yeeshaan Goboladaaasi Gaba gaba gabadiina waxaa Maanta laga soo saaray war Murtiyeed lagu Sheegay Wixii ka soo baxay.

maamul

Sii hayaha Wasiirka Arimaha Gudaha iyo Federaalka Mudane Cabdulaahi Goodax barre iyo Xubno kale oo ka tirsan wasaaradda Arimaha Gudaha ayaa Maanta Xiritaanka Tababarka ka soo qayb galay Waxaana uu Wasiirku mar kale la dar daarmay Gudigan.

Xubno ka tirsan Gudiga Farsamada Maamul U sameynta Gobolada Mudug iyo Galgaduud ayaa waxaa ay Baaq u jeeediyeen Bulshada Gobolada Maamulka loo sameynayo iyo Dowladda Federaalka ah Iyagoo u soo jeediyay in ay kaalin Muhiim ah ka qaataan Dhismaha maamulkaas.

Mas’uuliyiin kale Duwan ayaa ka hadlay Kulankani lagu soo gaba gabeynayay Tababarka Maalmaha u socday Gudiga Sii hayaha Wasiirka Arimaha Gudaha iyo Federaalka Mudane Cabdulaahi Goodax Barre oo gaba gabada ka hadlay ayaa waxaa uu Gudiga u sheegay in looga Fadhiyo in sida ugu dhaqsaha badan ay u guda galaan Howsha loo Xilsaaray isla markaana ay ku dadaalaan in Maamul loo dhan yahay ay Mudug iyo Galgaduud Yeeshaan,

Gobolada dalka inta badan Waxaa looga dhawaaqay Maamul Goboleeedyo ay Saldhig u yihiin Dhaqanka Soomaaliyeed Ee Goboladaasi Dowladda Federaalka ah Ee Somaliyana ay Hormuud u tahay Gobolada Mudug iyo Galgaduud ayaana la filayaa in ay qayb ka Noqdaan Kuwaas Dowladda Federaalka ah ayaana Dadaal ugu jirta sidii Gobolada Dhiman Maamul loogu sameyn lahaa si dalka looga Hirgaliyo nidaamka Federaalka ah.

 

Idale News Online, Muqdisho

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here