Dowlada Australia ayaa lacag u balan qaaday Qaxootiga doonaya inay dalkaasi galaan hadii ay dib ugu noqonayaan wadamadii ay ka yimaadeen
Kumanaanka qaxootiga ah oo lagu hayo xeryaha qaxootiga eek u yaal jasiirada Manu oo ku taal waqooyiga dalkaasi Australia ayaa loo balan qaaday lacag hadii ay joojinayaan codsigooda ah in ay soogalaan dalkaasi Australia, isla markaana lasiin doono lacag.
Warbaahinta Australia ayaa qoray in qaxootiga ka yimid dalalka Iran iyo Sudan loo balan qaaday lacago gaaraya $7.000 dollar, halka dadka kasoo jeeda Afghanistaan loo balan qaaday $4.000, sidoo kale qaxootiga ka yimid Myanmar ayaa loo balan qaday $3.300 dollar.
Dowlada Australia ayaa horey u joojisay dadka doonyaha wadankeeda kusoo galaya, waxayna tani qeyb ka tahay siyaasada dowladaasi ay isaga fogeenayso dadka qaxootiga ah arrintaasi oo ay horey u cambaareeyeen hay’adaha xaquuqul Insaanka iyo dadka u dooda qaxootiga.
Idale News Online, Sydney.