Soomaaliya Oo Kaalmaha Hore ka Gashay Wadamada Ugu Badan Ee Xukunnadda Dilalka Ah Laga Fuliyo

0
195

Muqdisho(INO)-Warbixin ay soo saartay Hay’adda u dooda Xuquuqda Aadanaha ee Amnesty International ayaa lagu soo bandhigay Wadamada Afrika ugu badan ee inta baan ka dhacaan Xukunada Dilka ah.

Wadamada Afrika ee inta badan fuliya Xukunada Dilka ah waxa kaalmaha hore kaga jirta Dalka Soomaaliya, waxaana xukunada inta badan Soomaaliya lagu fuliyay ee yihiin kuwa sanadihii ugu dambeeyay kordhayay sda ay Hay’adu sheegtay.

Warbixin ay soo saartay Hay’adda Amnesty International lagu sheegay in dalal ay kamid yihiin Somalia, Masar, Sudan iyo Equatorial Guinea yihiin waddamada sida xooggan sannadkii dambe looga fuliyey xukunnadda dilalka.

Sida ay shaacisay Hay’adda Amnesty International waxa sanadkii hore Wadamo kuyaala Qaarada Afrika siyaabo kala duwan xukun dil ah loogu fuliyay dad kor u dhafaya 1,446 qof oo lagu eedeeyay dambiyo kala duwan.

Idale News Online, Muqdisho

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here