Markii afaraad ayaa maanta magaalada Mugdisho la keenay Soomaali ku dhaw 100 qof oo 16 kamid ahi caruur yihiin. waxaa laga soo tarxiilay Nairobi
Diyaaradii siday dadkan ayaa kasoo degtay garoonka Aadan Cadde abaaro sideedii duhurnimo ee maanta.
Waxaa ku jirra dadkan caruur iyo dad da’ ah, kuwaas oo ay ka muuqatay wajiyadooda daal iyo diif.
Qaar ka mid ah dadkaas oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in ay xabsiyada dalka Kenya kala kulmeen tacadiyo dhanka nolosha ah.
Safiirka Soomaaliya u fadhiya Kenya AmbassadorMaxamed Cali Nuur (America) oo la socday dadka lasoo gaarsiiyay Muqdisho ayaa sheegay in dowladda federaalka Soomaaliya ay gacan weyn ka geysatay sidii dadkan dib loogu soo celin lahaa dalkooda.
“Waa dhab in dadka Nairobi laga keenay ay kusoo rafaadeen xabsiyadii ay ku jireen , waana taas mida keentay inay ka soomaan cunnada, dowladda Kenya waxa ay tacadi u geysatay muwaadiniinta soomaalida.” Ayuu yiri danjire America.
Waa qeybtii afaraad ee Soomaali laga soo musaafuriyo dalka Kenya oo la soo gaarsiiyo magaalada Muqdisho.
Idale News Online,Muqdisho.