Hay’adaha ammaanka ee dalka Uganda oo wada howlgallo lagula dagaallamayo musuqmaasuqa ayaa xabsiga u taxaabay in ka badan 12 qof oo Soomaali ah, kuwaas oo loo qabtay falal la xariira musuq baahsan.
Xariga ayaa waxaa ka dhiidhiyay Soomaalida dalkaasi ku nool oo doonay in 12-ku ruux lasii daayo, si ay xuriyad ugu noolaadaan
Xubnaha guddiga sare ee jaaliyadda Soomaalida ah ee ku nool Uganda ayaa wada dedaallo la doonayo in lagu soo daayo dadkaas, inkasta oo aan wali lagu cadeyn eedeymaha loo soo jeediyay.
Toddobaadkii hore ayaa hay’adaha nabad-sugidda iyo la-dagaallanka argagixisada waxay kulan la yeesheen xubnaha guddiga sare ee jaaliyadda Soomaalida ee dalka Uganda, iyagoo kala hadlay in ay Soomaalidu la shaqeyso hay’adaha amniga si looga baxo cabsida xoogan ee dhanka amaanka ah loola qabto dhamaan qolyaha amaan darada dalkaasi ka abuuri kara.
Waa markii ugu horeysay taariikhda Soomaaliya shaqsiyaad lagu eedeynayo musq ka dhacay dalka dibadiisa loogu xiro meel ka baxsan dalka.
Idale News Muqdisho