Somaliland oo maanta u dabaal dageysa 18-ka May.

0
201

Somaliland oo maanta u dabaal dageysa 18-ka May

Somaliland ayaa u dabaal degaysa maanta sanad guurada 23-aad ee ka soo wareegatay tan iyo markii ay goonida isu taagtay

Dhamaan guud ahaan magaalooyinka Somaliland ayaa si weyn looga dabaal dagayaa xuska 18-ka May oo ah markii uu maamulka Somaliland sheegay in uu ka go’ay Somaliweyn isla markaana ay noqdeen qaran madax banaan.

Goobaha sidda weyn looga dareemayo waxaa ka mid ah Hargeysa, oo waxaa saakay la arkayaa dadweyne fara badan oo sita calanka Somaliland kuwaasoo socod ku maraya waddooyinka magaalada.

Waxaa kaloo Hargeysa lagu arkayaa ciidamada kala duwan iyo shaqaalaha oo gaardiis ku maraya waddooyinka.

Waxaa la joojiyay isku socodka gaadidka gudaha magaalada, inta ay xafadda socota oo ilaa caawa gaareysa.

Ammaanka ayaad loo adkeeyay waxaana heegan lagaliyay ciidamada ammaanka maamulka Somaliland.

23-sanno ayaa ka wareegtay markii Somaliland ay sheegtay in ay ka go’day Somaliweyn balse tan iyo xilligaas aqoonsi ma helin.

Maxay kula tahay?

Idale News Online, Burco.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here