Somaliland oo Ku Baaqday in la joojiyo Dagaalladda ka socda Magaalada Gaalkacyo

0
165

Galkacyo(INO) —Somaliland, ayaa Baaq nabadeen ah u diray dadka walaalaha ah ee ku dagaalamaya magaaladda Gaalkacyo ee labadda Maamul-goboleed ee Galmudug iyo Puntland isku haystaan, waxaanu madaxweynaha Soomaaliya u soo jeediyeen inuu wax ka qabto dhibaatadda maalin walba ka dhacda Soomaaliya.

Wasiirka Warfaafinta iyo dhaqanka Somaliland Cismaan Saxardiid Cadaani ayaa sidaas ka sheegay mar uu ka jawaabayey hadallo ka soo yeedhay madaxweynaha Soomaaliya oo khuseeyey arrimaha Somaliland.

“Madaxweynaha Somalia waxa ka soo yeedhay in dalka Somalialnd arrimo siyaasadeed kaga maqantahay habka fadaraalka Soomaaliya oo uu ku andocoonayo in gobolada waqooyi wali fadaraalka ka dhiman yihiin oo ay tahay buu yidhi in laga hawlgalo sidii fadaraalak loogu soo dari lahaa, waxaan u sheegay umada Somaliland iyo dadkeedu mar hore ayey tashadeen waa arrin aanay waxba ka soo noqonayn arrinkaasi, wax laga soo noqonayaana  ma jirto, madax banaanidda Somaliland ku nooshahay wax gorgortan gali kara maaha”ayuu yidhi Cadaani oo u jawaabayey madaxweynaha Soomaaliya.

Wasiir Cadaani oo baaq nabadeed u diraya labadda maamul ee Puntland iyo Galmudug ee ku dagaalamaya Gaalkacyo, waxa uu yidhi  “waxaan madaxweynaha Somaaliya Xasan Sheeh kula talin lahaa inuu heshiisiiyo umadda walaalaha ah ee soomaaliyeed ee ku dagaalamaya magaaladda Gaalkacyo, anigoo ku hadlaya magaca dawladda Somaliland waxaan ugu baaqaya dadka walaalo ah ee degan deegaanadda dhiigu ka daadanayo ee muddana is dilayey inay joojiyaan dhiigoodda daadanaya, wada hadalna ku dhameeyaan wax kasta oo ay kala tirsanayaan, waxaan leeyahay Xasan Sheekh dalka aad leedahay waan ka taliya ee maalin walba dhibaatada ka dhacayo ayaa kaga baahan inaaad wax ka qabato inta aad carabka ku dhajinayso mar walba dad aayadahooda ka tashaday masiirkooddana meel dhigta oo ah Somaliland”

Dhinaca kale, wasiir Cadaani waxa uu musharaxa xisbiga WADANI C/raxmaan Cirro ku eedeeyey inuu askarta neceb yahay, isla markaana khudbaddii uu golihiisa dhexe ee WADANI ka jeediyey uu ku sheegay in askarta inay dalka xukumaan aanay ahayn, isagoo markaa u jeedda guddoomiyaha xisbiga taladda haya ee KULMIYE Muuse Biixi.

“Musharaxa xisbiga WADANI Cirro wuxuu yidhi askari doonni mayno, maan fahmi wuxuu u ujeedo, askartu waa kuwii dalkan xoreeyey, anigu waan xasuusta Maraykan buu noogu yimid gudoomiyaha xisbiga kulmiye Muuse Biixi Cabdi, intuu saraakiishii wax ku baranaysay Maraykanka joogtay ayuu usoo bandhigay inay ka soo qaybgalaan dagaalkii dalka lagu xoreynayey waa la waayey cid raacdo barrigaa, kaligii ayaa ka soo noqdo oo jabhaddii ku soobiiray, dadka noocaas ah ee dalkan xoreeyey ayey ahaayen askartu, in askarta la nacaana waxay ka dhigan tahay in dalka aan ciidan loo samayn oo diifaaca si markaa si dhibyar loo qabsan karo”ayuu yidhi Cadaani oo u jawaabayey musharaxa xisbiga WADANI Cirro.

Mar kale wasiirka Warfaafinta Cadaani oo daba socda hadal ka soo yeedhay hogaamiyaha xisbiga mucaaradka ah ee WADANI Xirsi Cali Xaaji Xasan oo hore u ahaaa wasiirkii Madaxtooyadda oo sheegay isagu inuu ahaa wasiirkii hirgaliyey wadooyinka wadanka ka hirgalay oo u weyn tahay wadadda Ceerigaabo iyo Burco isku xidha, ayaa wasiirku sheegay in waxqabadkaasi uu leeyahay madaxweyne Siilaanyo.

“Xirsi wuxuu sheegtay wixii uu kulmiye qabtay ee madaxweynuhu qabtay ee uu sheegtay inuu isagu qabtay, saaxiibkey Xirsi waxaan leeyahay nin is faanshay waa Ri is nuugtay, dhamaanteen waxaynu ahayn kaaliyeyaashii madaxweynaha ee uu inoo igmaday inaanu wadooyinkaasi Ceerigaabo dhisno, waana himiladii iyo qorshihii madaxweyne Siilaanyo, wadadaasi Ceerigaabo hadddii cidi ku faanayso laba nin uun baa ku faanni jira waa madaxweynaha Somaliland iyo gudoomiyaha xisbiga kulmiye Muuse Biixi oo waligii garabkiisa midig ahaa Axmed Siilaanyo. ”