Mogadishu (INO) – War murtiyeed ay soo saareen xubno isugu jira siyaasiyiin ka socda labada gole ee barlamaanka & xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo odayaasha dhaqanka ee ka soo jeeda Somaliland uuna joob joog ka ahaa Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Somalia Maxamed Cumar Carte Qaalib ayay ku sheegeen in ay qaadaceen ka qeybgalka doorashada dhowaan la filaayo in ay dalka ka dhacdo iyo soo gudbinta liiska 11 xubnood Aqalka Sare.
Xildhibaan Ibraahim Xaaji Suleymaan Ilkacase oo isagu akhrinaayey war saxaafada loogu talo galey ayaa sheegay in dadka ka soo jeeda Somaliland isla markaasna u taagan midnimada Soomaaliya aanan la siinin mudnaantii ay ku lahaayeen dalka, sidaasi darteed ay go’aan ku gaareen in aysan u dirsaneynin wax musharax ama xubnaha 11 xubnood ee dhankooda laga sugaayo. Xildhibaan Ilkacase ayaa madaxda madasha qaranka ku eedeeyey in saamiga loo qoondeyey Somaliland aan la fahmi karin waxa uu ku saleeyeen, sidaas darteen aysan raali ka aheyn saami aysan garaynin in ay wax ku qeybsadaan.
Dhageyso War murtiyeedkii ay siyaasiyiintu labada gole saxaafada siiyeen:
Idale News Online, Mogadishu, Somalia