Macalin Maxamuud Macalin Jiis oo ka mid ah Siyaasiyiinta Soomaaliyeed eek u Sugan Magaalada Beydhabo ayaa sheegay in dibadbaxyada ka dhacay Magaalada Beydhabo ay ka dambeeyaan dad wata dano gaar ah waxa uuna intaasi ku daray in wax laga Xumaado ay tahay in Madaxweynaha Dowlada Soomaaliya lagala hor yimaado banaan baxyo.
Siyaasiga ayaa dhanka kale sheegay in Shacabka ku dhaqan Magaalada Beydhabo ay taageersan yihiin Maamulka 3-Gobol oo ay Dowladu Shaacisay iney Aqoonsan tahay.
Siyaasi Macalin Maxamuud Jiis ayaa ugu baaqay Shacabka ku dhaqan Magaalada Beydhabo iney is dajiyaan wax walbana lagu dhameynaayo Wada hadal iyo is afgarad.
Waxaa Magaalada Beydhabo ku sugan Wafdi uu hogaaminaayo Madaxweynaha Dowlada Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari waxayna kulamo gaar gaar ah la leeyihiin Masuuliyiinta Maamulada ka jira Magaalada Beydhabo ee ah Maamulka 3-Gobol iyo Kan 6-Gobol ee Magaalada Beydhabo looga wada Dhawaaqay.
Idale News Online