Shirkadda Diyaaradaha TRANSOM AIRWAYS oo duulimaadyo ka bilowday gobolada dalka + Sawirro

0
254

Munaasabad lagu furayay shirkadda diyaaradaha Transom Airways ayaa ka dhacday xrunta shirkaddaasi ee magaalada Muqdisho, iyadoo munaasabadda furitaanka shirkadda Diyaaradaha Transom Airways ay ka soo qeyb galeen madax ka tirsan Dowladda iyo marti sharaf lagu casuumay.
Madaxa Shaqada Axmed Gurxan Cabdi oo khudbad ka jeedinayay munaasabadda furitaanka shirkadda Transom Airways ayaa sheegay in shirkadaani ay tahay shirkad ay leeyihiin Soomaali isla markaana aanu ku jirin saamiley shisheeye ah taasi oo dalka laga hirgeliyo muddo 22-sano kaddib.

Waxa uu sheegay in diyaaradda Tarnsom Airways ay ka howlgaleyso gobolada dalka, isla markaana laga baxay baahidii dhinaca safarada iyo dhibaatadii shacabka ka soo gaari jirtay dhinaca safarka dhulka, wuxuuna caddeeyay in diyaaradda shirkadda Transom ay leedahay adeegyo heer sare ah iyo soo dhoweyn.

Shirkadda Diyaaradaha Transom Airways oo duulimaadyo dhowr ah ku tagtay gobolada dalka qaarkood ayaa waxaa muuqata in shacabka Soomaaliyeed ay si weyn ugu diirsadeen tan iyo markii ay duulimaadyo ka bilowday shirkadda Transom Airways gobolada dalka, iyagoona sheegay inay ka baxeen dhibaatooyinkii kala duwanaa ee ay ku qabeen safarka dhulka oo xilliyada qaarkood ay la kulmayeen falal halis gelinaya ammaankooda.

Madaxa shaqada Shirkadda Transom Airway Axmed Gurxan Cabdi waxaa kale oo uu sheegay in shirkadooda shaqada ay qabaneyso ay ka mid tahay duulimaadyo khaas ah (Special Flight) ay ku tageyso gobolada dalka iyo wadamada deriska ah, wuxuuna sidoo kale sheegay madaxa shaqada shirkadda Transom Airways in diyaaraddu leedahay adeegyo loo fulinayo mudada ay ku jirto duulimaadka.

Halkaan hoose ka akhriso faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan shirkadda Transom Airway kuna saabsan duulimaadyada ay sameyneyso shirkadda:-

13

20

22

24

28

War Shirkada Duulimaadka Taransom 003

War Shirkada Duulimaadka Taransom 003_0001

War Shirkada Duulimaadka Taransom 003_0001

War Shirkada Duulimaadka Taransom 005

Idale News Muqdisho