Shirka Madasha Wadatashiga Qaran oo Muqdisho ka furmay

0
190

Muqdisho(INO)- Shirka Madasha Wadatashiga Qaran, ayaa saaka oo Talaado ah wuxuu ka furmay Magaalada Muqdisho, waxaana uu yahay Shirkaan kii ugu dambeeyay ee ay isugu yimaadaan Madaxda Dowlad Goboledyada dalka ka jira iyo Madaxda Dowladda Somaliya.

Shirkaan oo ka furmay Madaxtooyada Somaliya ayaa looga hadli doonaa waxyaabaha ka harsan arimaha Doorashooyinka iyo sidii xal buuxa looga gaari lahaa muranada ka taagan Aqalka Sare dhismihiisa iyo Qaybsigiisa.

Sidoo kale waxaa la filayaa in Shirkaan looga hadlo arimaha ku aadan Maqaamka Magaalada Muqdisho oo xubnaha Madasha Wadatashiga Qaran weli aysan si toos ah u cadeynin, iyadoo dalabaad kala duwan oo arintaasi ku saabsan loo jeedinaayay.

Shirkaan oo socon doona muddo labo cisho ah ayaa sida qorshaha uu yahay waxaa la filayaa in laga soo saaro go’aano ku aadan waxyaabaha Xubnaha Madasha Wadatashiga Qaran ay isal gartaan.

Madaxda Dowlad Goboledyada dalka ka jira ayaa shalay soo gaaray Magaalada Muqdisho si ay uga qaybgalaan Shirka goor dhaweyd ka furmay Madaxtooyada Somaliya.

Doorashada Somaliya ayaa waxaa ka harsan muddo kooban, welina Madaxda Somalida uma aysan hogaansamin ku dhaqanka Jadwalka rasmiga ah ee doorashada u degsan, xilli Beesha caalamka ay bixisay 60% Dhaqaalaha Doorashada loogu talo galay.

Beesha caalamka waxa ay ugu baaqday Madaxda Somalida inay ka fogaadaan wax waliba oo dib u dhac ku keeni kara Qabsoomida Doorashada la filaayo inay dalka ka dhacdo.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisul Wasaare Cumar C/rashiid Cali Sharmaake ayaa labaduba waxa ay yihiin Musharaxiin u taagan inay u tartamaan Hogaanka dalka.