Shirka Maamul u sameynta Hiiraan iyo Sh.Dhexe oo maanta dib uga furmaya Jowhar

0
193

Jowhar(INO)- Qaban qaabada shirka ayaa si xooggan uga socota magaalada, waxaana maanta la filayaa in wafdi ka socda Xukuumadda inay gaaraan magaalada.

Wariyeyaal ku sugan Jowhar ayaa sheegaya in tan iyo shalay laga dareemayay magaalada diyaar garowga shirka, iyadoo la adkeeyay ammaanka guud ee magaalada.

Ciidamada ammaanka ayaa xoojiyay sugida amniga, iyadoo baaritaan lagu sameynayay dadka iyo gaadiidka galayay magaalada.

Ra’iisul Wasaare kuxigeenka Soomaaliya Maxamed Cumar Carte iyo Wakiilka Urur Goboleedka IGAD Maxamed Cabdi Afey ayaa khamiistii sheegay in shirka dib u bilaaban doono 3-da bisha September oo maanta ku beegan.

Warar aanu heleyno ayaa sheegaya in ergooyinka Hiiraan ee shirka ka qeyb galaya ay ka ambabixi doonaan magaalada Muqdisho, halka kuwii horay uga qeyb galay ay qaarkood ku sugan yihiin magaalada Jowhar.

Qorshaha la doonayo in maamulka loogu sameeyo ayaa ah mid ay ka qeyb qaadaneyso Urur goboleedka IGAD, iyadoo dhowaan soo saartay qariirad ku saabsan halka loo marayo maamul dhisida, waxaana la sheegayaa in maamulka la dhisi doono ka hor inta aanu dhamana bishan socota.