Shirka Maamul U samaynta Gobolada KG Soomaaliya oo maanta Lagu Wado Inuu furmo

0
181

Magaalada baydhaboi ee xarunta Gobolka Baay ayaa maanta lagu wadaa in uu si rasmi ah uga furmo shirka Maamul usamaynta Gobollada Koofureed ee Sadexda gobol ka kooban, waxaana la filayaa in furitaanka shirkaasi uu ka qeyb galo madaxweynaha Dowladda Soomaaliya Xasan Shikh Maxamuud.

Gudoomiyaha Gudiga Farsamo ee Qaban Qaabada shirka maamul usamaynta Siyaad  shikh Dalmar ayaa sheegay in shirka uu maanta furmayo aysan jirin caqabado uga imaanaya dhinaca kale eek la soo hor jeeda ee baydhabo kula sugan.

Siyaad ayaa intaa ku daray in madax kala duwan ay imaanayaan shirka uu ka mid yahay madaxweynaha Dowladda faderaalka soomaaliya, wakiilo ka socda midowga afrika, Qaramada midobay iyo egooyin kale.

Magaalada baydhabo ayaa horay waxaa ugu suganaa Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya maxamed Shikh Cismaan Jawaari.

kg

Idale News Online, Baydhabo