Afgooye(INO)-Waxa Saaka Lagu wada in degmada Afgooye ee gobolka shabellaha Hoose uu ka furmo shir Weyne ay isugu yimaadeen, Bulshada Rayidka ee Gobolada Koofur Galbeed Soomaaliya.
Maalintii shaley ahayd , waxa degmada waxa Gaarey Erigooyin kala Socoday Seddexda Gobol ee maamulka koonfur Galbeed Soomaalaiya uu ka Kooban yahay , iyadoona, isla shaley ay yeesheen Shir Gooni Gooni ah isla Markaana horodhac u ah Shir weynaha Bulshada Rayidka Ee Saaka Ka Furmaayo degmada Afgooye Ee Gobolka Shabellaha Hoose.
Shirkan ay isugu yimeedeen, bulshada rayidka ee koonfur galbeed soomaaliya ayaa la sheegeey in looga hadli doono arimo dhowr ah oo khuseeya danaha dadyowga ku dhaqan degaanada Gobolada Koonfur Galbeed Soomaaliya, sida Horumarinta Gobolada iyo Degmooyinka KGS, taagyeerida geeda Socodka Nabada, sidii bulshada Rayidka ee KGS ay isgu Xirnaan lahaayeen Mar weliba iyo Qodobo Kale.
Ugu dambeyntii, waa Markii ugu horeysey, oo shir noocan ahi ay isugu yimadaan Bulshada Rayidka ah ee Koonfur Gablbeed Soomaaliya Guud ahaan, tan iyo Markii La Dhisey Dowlada Koonfur Galbeed Soomaaliya Sanadkii Hore.
Fillo Sawiro, Codad iyo Video
Idale News Online, Afgooye.