Dhageyso:Shir Madaxeedka Midowga Afrika Oo Looga Hadlayo Arrimaha Boko Haram iyo Al-Shabaab

0
206

Johannesburg(INO)— Madaxda Midowga Afrika ayaa shirkoodii 25aad maanta ku yeelanaya magaalada Johannesburg ee dalka Koofur Afrika oo marti gelinaya shirkan, iyadoo shirkan looga hadlayo arrimo badan oo quseeya qaaradda Afrika.

Shirka Madaxda Afrika ayaa halku dhigiisu yahay “sanadka xoojinta iyo horumarinta Haweenka”, iyadoo ay jiraan qodobo xasaasi ah oo ay Madaxdu diiradda ku saari doonaan.

Halkan Ka Dhageyso.

Madaxweynaha cusub ee Nigeria Mohammadu Buhari oo labo todobaad ka hor loo dhaariyay xilka Madaxtinimada ayaa shirkiisa u horeeyay ee Midowga Afrika ka qeyb galaya.

Buhari ayaa shir guddoomin doona shirka Golaha ammaanka iyo Nabadgelyada Midowga Afrika, kaasoo lagu falanqeyn doono arrimaha ammaanka qaarada.

Waxyaabaha diiradda lagu saari doono waxaa ka mid ah arrinta Boko Haram oo qatar ku heysa wadamo badan oo ku yaalla Galbeedka Afrika, qatarta Al-Shabaab ee dalalka Geeska Afrika, qalalaasaha siyaasadeed ee Burundi iyo xaalada murugsan ee Koofurta Sudan.

Madaxda Afrika oo aan looga baran inay qaadaan tallaabooyin looga hortagayo xiisadaha, ayaan sanadkan looga fadhin inuu wax ka qabto xaaladaha ka jira qaaradda, sida arrinta Burundi.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo xalay ka degay magaalada Johannesburg ayaa ka mid ah madaxda ka qeyb galeysa shirka, isagoo khudbad ka jeedinaya kulanka Midowga Afrika.

Shirka ay marti gelineyso Koofur Afrika ayaa ku soo beegmay, iyadoo dhowaan dalkaas ay ka dhaceen rabshado la xiriira ajnabi naceyb, waxaana horay u cambaareeyay wadamada Zimbabwe, Mozambique, Malawi, Nigeria iyo Itoobiya.

Idale News Online, Johannesburg

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here