Shir looga hadlayo Nabada Gobolka Gedo oo lagu Wado in uu ka Furmo Dolow.

0
252

Waxaa saaka degmada Doolow ka socda qaban qaabo la xiriirta shir weyne nabadeed oo ay isugu imaanayaan dhammaan dhinacyada ku sugan gobalka Gedo sida masuuliyiinta maamulka KMG ee Jubba, Ahlu Sunna, saraakiisha dowladda federaalka Soomaaliya iyo siyaasiyiin gobalka Gedo u dhashay.

Shirkan ayaa la filayaa inuu maanta ka dhaco magaalada Doolow ee gobalka Gedo, kaasoo dhinacyadaasi ay isugu imaanayaan.

Madaxweyne ku xigeenka maamulka Jubba Jeneraal Fartaag, guddoomiye xigeenka gobalka Gedo Cabdi Barre Cabdi, saraakiil ciidan oo Ahlu Sunna iyo dowladda kala taabacsan ayaa ka mid ah masuuliyiinta Doolow joogta.

Buundada-baardheere

Guddiga qaban qaabada waxaa kamid ah Hilowle Aadan oo sheegay in shirkaasi looga hadlayo aayaha gobalka Gedo iyo dhacdadii ka dhacday dhowaan Baladxaawo oo saameyn aan yareyn geysatay.

Idale News Online.