Cadaado ( INO)-Waxaa maanta Magaalada Cadaado ee Gobolka Galgaduud oo xarun KMG ah u ah maamulka Galmudug ka furmay shir looga hadlayo sidii dowlad goboleedyada iyo dowladda dhexe ay u wada shaqeyn lahaayeen.
Magaalada ayaa maanta waxaa gaaray masuuliyiin kala duwan oo xoghayaha Joogtada ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Federaalka Xukuumadda Soomaaliya uu horkacayo kuwaas oo qaarkood ka socday maamul Goboleedyada dalka.
Shirkaan ka furmay Magaalada Cadaado ayaa waxaa garwadeen ka ah Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Federaalka Xukuumadda Soomaaliya .
Si faah faahsan looma cadeyn qodobada wax ku oolka ah ee shirkaas laga soo saari doono iyadoona Saxaafadda ay ka tahay dibad joog hase ahaatee wixii ku soo kordha waxaad kaga bogan doontaan IdaleNews.com
Idale News Online, Cadaado