Baydhabo(INO)-Xili Magaalada Baydhabo Ee Xarunta Gobolka Bay Lagu dilay Allaha unaxariistee Sheekh Xasan Soor madaadshe horayna Magaladaasi loogu dilay sheekh kale oo Caan ah ayaa Arintaasi waxaa ka hadlay Taliska Booliska Magaaladaasi.
Cor, Mahad C/raxmaan Aadan Waa Taliyaha Qeybta Booliska Gobolka Baay Ee koonfurta Wadanka Somalia waaxana uu sheegay in aanay u taag heeynin Dilalka ka dhacaya Magaalada Baydhabo Ee Xarunta Gobolka Baay .
Cornel. Mahad C/raxmaan Taliyaha Qeybta Booliska Gobolka Baay waxa uu dadka Baydhabo ugu baaqay in is hubeeyaan si ay uga bad baadaan Dadka bastooladaha wax ku dila ay isaga dhiciyaan.
Taliyuhu waxa uu sheegay in dhowr jeer ay Magaalada Howlgalo ka sameeyeen waxaana ay ku soo qab qabteen dhalinyaro lagu tuhmayo Al-shabaab hase ahaatee odoyaasha ay kadibna yimaadaan oo ayna sii daayaan .
Magaalada Baydhabo Ee Xarunta Gobolka Baay waxaa ku soo laa laabtay dilal Qorsheeysan oo loogeeysanayo dad rayid ah oo aan wax galabsan.
Idale News Online, Baydhabo.