Muqdisho(INO)-Magaalada Muqdisho, ayaa ka soconayo dadaalo heer gaba gabo maraya, oo lagu doonayo in xabsi guriga looga saaro Sheekh Xasan Daahir Aweys, oo muddo laba sano ku dhow u xiran Dowladda Soomaaliya.
Sheekh Xasan Daahir Aweys, ayaa gacanta Dowladda Somaliya soo galay daba yaaqadii bishii June ee sanadkii 2013-ka, tan iyo xilligaana waxa uu u xiran yahay Dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.
Wada hadalo dhinacyo kala duwan ay yeesheen, ayaa waxaa leesku raacay in Sheekh Xasan Daahir Aweys loo amba bixiyo Magaalada Doha, si uu halkaasi kaga cadeeyo in fekerkii Ururka Al Shabaab uu ka tanaasulay.
Wadaadka ka soo goystay Al Shabaab, ayaa diiday isagoo u xiran Dowladda Somaliya inuu Warbaahinta ka sheego, in mabda’ii Al Shabaab uu ka tanaasulay, si aan loo arag in lagu dirqiyay, bacdamaa uu maxbuus yahay.
Waxa uu soo jeediyay in sida muuqataa uu ka tanaasulay Shabaabnimada, isla-markaana uu doonayo inuu si rasmi ah u cadeeyo, isagoo madax bannaan.
Diblomaasiyiin ka socda Dowladda Qatar, Dowladda Federalka Somaliyo iyo diblomaasiyiin kaloo Reer Galbeed ah, ayaa isku waafaqay in wadaadka loo duuliyo Magaalada Caasimadda ah ee Doha.
Safiirka Somaliya ee dalka Qatar u fadhiya Cumar Idiris oo booqasho ku joogga Magaalada Muqdisho, ayaa la tilmaamay in gacan uu ku lee yahay, sidii dalka Qatar loogu amba bixin lahaa Sheekh Xasan Daahir Aweys.
Ina Macalin Daahir, ayaa lagu wadaa in Doha uu ka furto xisbi siyaasadeed, si siyaasadda dalka Somaliya aanu uga bixin.
Aweys waxa uu horey u soo noqday Hogaamiyaha Ururkii buburay ee Xisbul Islaam. Burburka Ururkaasi waxa uu ka dambeeyay markii uu aqbalay inuu ku biiro Ururka Al Shabaab.
Idale News Online, Muqdisho.