Saraakiisha sar sare ee Al Shabaab, ayaa waxay bilaabeen inay ka hadlaan hawlgalka xoogan ee lagu qaaday dhulka ay ka arrimiyaan, ee ku yaala Gobolada Koonfurta iyo Bartamaha ee Somaliya.
Sheekh Fu’aad Maxamed Khalaf, Madaxa Dacwada ee Ururka Al Shabaab, ayaa wuxuu shaaca ka qaaday in dagaal ballaaran lagu soo qaaday deegaanada ay gacanta ku heyso Xarakada Al Shabaab, sida uu sheegay.
Sheekh Fu’aad Maxamed Khalaf, ayaa wuxuu Reer Galbeedka ku eedeeyay inay dhabarka ka riixayaan Ciidamada Dowladda iyo Amisom, iyagoo markaasi dano gaar ah ka leh sida uu sheegay kheyraadka dalka Somaliya.
Wuxuu ku hanjabay inaanu dhammaan doonin dagaalada ka soconaayo Gobolada Koonfurta iyo Bartamaha ee Somaliya, maadaama uu ku sheegay inay iyagu yihiin dadkii u dhashay, loogana fadhiyay inay difaacdaan.
Sheekh Fu’aad Shongole, ayaa wuxuu shacabka Somaliyeed ka codsaday in Al Shabaab laga caawiyo dagaalka ballaaran, ay kula jirto Ciidanka Xooga Dalka iyo Ciidamada Midowga Afrika ee Amisom.
Idale News Online, Xafiiska Baydhabo.