Sharciga La-dagaalanka Argagaxisada oo Maanta la Hor-geynayo Baarlamaanka Soomaaliya

0
268

Muqdisho(INO) — Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta la filayaa in la hor-geeyo Sharciga La-dagaalanka Argagixisada, kaasoo ka mid ahaa Hindise Sharciyeed dhowr ah oo Baarlamaanka ka doodi doono, si uu u ansixiyo ka hor sannadka 2016-ka.

Sharcigan oo horay ay u soo meel-mariyeen Golaha Wasiirada XFS ayaa la sheegay in Marxalado kala duwan uu soo maray, iyadoo Qodobbada sharcigan uu yahay mid adag.

Xukuumadihii isaga kala dambeeyay dalka ayaa sharciga marba marka ka dambeysa soo diyaarinaysay, waxaana lagu wadaa in baarlamaanka FS uu ka doodo, marka uu maro akhrinta koowaad.

Hab-dhowraha Baarlamaanka Soomaaliya, Xildhibaan Maxamed Cumar ayaa sheegay in Golaha Baarlamaanka maanta la horkeenayo sharciga la dagaalanka Argagixisada, isagoo xusay in Xildhibaannada ay kaddib guda-geli doonaan ka doodista sharcigan.

Dhanka kale, Wasiirka Amniga Gudaha Somalia, C/risaaq Cumar Maxamed ayaa isla la filayaa in sharcigan uu ka hor-akhriyo Baarlamaanka, waxaana sharcigan oo aan wax badan laga ogeyn qodobadiisa la leeyahay waxaa ku jira qodobo aad u adag.

Al-Shabaab oo dagaal kula jirta dowladda iyo ciidamada AMISOM ayaa horay Weerarro uga geysatay qaybo dalka ka mid ah, iyadoo sannadkii lasoo dhaafay meelaha ay Weerartay uu ka mid ahaa dhismaha Baarlamaanka Somalia..

Ugu dambeyn, Amniga Xarunta Baarlamaanka ayaa si aad ah loo adkeeyay, iyadoo la xiray Waddooyinka ku dhow, ciidammo isugu jira booliis, nabadsugid iyo AMISOM ayaa lagu arkayay hareeraha Xarunta Baarlamaanka oo ku dhow madaxtooyada.

Idale News Online, Muqdisho

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here