Maalintii duraad ahayd KHamiistii waxaa madaxatooyada Koonfur Galbeed ee Baydhabo booqasho rasmi ah ku tagey masuuliyin uu horkacayo madaxweynaha shacbiyadda leh Koonfur Galbeed Soomaaliya Madoobe Nuunow Maxamed iyo ku xigeenkiisi koowaad Mudane Maxamuud Sayid Aadan oo ay wehliyaan gudoonkii hore ee baarlamanka Federaalka Soomaaliya xildhibaan Aadan Madoobe, Marwo faayow ururada haweenka iyo saraakiisha milatariga Koonfureed.
Madaxweyne nuunow oo ay garab socdaan madaxdiisa kale ayaa kormeer balaaran ku sameeyay xarunta Koonfur Galbeed oo burbur badani uu ka muuqday taasoo saldhig dhab ah madaxtooyo u noqon doonta dowlladda Lixda Gobol Koonfurta Galbeed ee Soomaaliya dhowaan si kal iyo laab ah loo doortay curdankana ah.
Kormeerkii saacadaha badan qaatay oo ay madaxda sare Koonfur Galbeed uu horkacayey Madaxweyne Nuunow ay ku indhadheynayeen madaxatooyada ayaa waxaa shir jaraa’id bartamaha Madaxtooyada koonfur galbeed ee baydhabo ku qabtay madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenkiisa kuwaasoo ka warbixiyay booqashada kormeerkooda Villa Koonfur Galbeed iyo wixii ay ku soo arkeen daartaweyn gudaheeda.
Ugu horeyntii madaxweynaha oo war-saxaafadeedka ku hormaray ayaa sheegay in Villa Koonfur Galbeed ay xarun madaxtooyo rasmi ah u noqoneyso dowlod goboleedka Koonfurta Galbeed isla markaana loo baahanyahay in si dedeg ah dib loogu dayactiro.
Madaxweynuhu wuxuu cod-dheer ugu booriyay dadyowga shacabweynaha Lixda Gobol Koonfur Galbeed Soomaaliya in faraqoyan ku dhisataan waddankooda ayna ugu horeyso gacan-ka-geysashada xarunta-saldhigga dowlladdii ay ayaku doorteen taasoo la doonayo in dhawaan si dhab ah u falgasho waajibaadkeedi loo boqrayna shacbiga ay uga soo dhalaasho waajibaadyadaasi oo ay ugu horeeyaan amniga, dib u dhiska iyo daafaca dalka.
Sidoo kale waxaa goobtii shirka jaraa’id ka hadlay madaxweyne ku-xigeenka koowaad Koonfur Galbeed Soomaaliya MUDANE MAXAMUUD SAYID AADAN wuxuuna daboolka ka feydey in ummadda 6-Gobol dowlladdoodu haatan u dhalatay ay dalkooda dib u dhistaan difaacdaana dhulkooda iyo naftooda.
Maxamuud Sayid Aadan Nadaxweyne ku-xigeenka wuxuu kaloo sheegay in ” Koonfur Galbeed dhismaheeda shacbiga dalka ayaa iska leh doortay si aqlbiyad leh hiil iyo hoona la soo garab istaagay ilaa maantadan halkan dhisitaankeedu ka soo gaareysay, mar haddii shacbigu koonfur galbeed iyagu iskooda u dhisteen iminkana ay dhameystirtaan juhdi badana ku bixiyaan sidii 6 da gobol ay cagaheeda isugu taagi lahayd mar aan fogeyn”.
Si la siman sidaasi waxaa goobtii shirka jaraa’id gudaha madaxatooyada ka hadlay gudoomyihii hore ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ahna xiligan xildhibaan rug-caddaa siyaasi ah. MUDANE SHIIKH AADAN MADOOBE iyo Marwo Faayow oo ka socota ururada haweenka gaar ahaan qurbajoogta Reer Koonfur Galbeed kuwaasoo ku nuuxnuuxsaday in hawl adag oo dheer waxqabad ficil muuqda leh tahay in guntiga dhiisha isaga dhigaan shucuubta Koonfurta Galbeed dal iyo debedba si fursaddan qaaliga ah ee maantoolay dowlladda rasmiga ugu dhallatay uga faa’ideystaan intaanay noqon ma lagu oran “Waa dabaajiriintii iyo diirkii ba’ay”.
Ugu dambeyntii Madaxda koonfur galbeed somaliya ayaa ayagoon waqti badan xil-la-wareegitaankooda uusan jirin waxaa ay la soo baxeen dardar culus hawlkarnimo hanaan dowlladeed kaasoo daaweyn doona cudurkii dagiwaaga ku raagay beelweynta Koonfur Galbeed Soomaaliya bugtadaaso bogsiimadeeda Baydhabo ka soo bidhaantay barya aan dhoweynba.
W/D: Adan Increase.
Idale News Online,