Shabaab oo weli ku jira Hotel Maka Al-mukarama iyo qaraxyo iyo dagaal weli socda

0
207

Muqdisho(INO)-Iyadoo maalintii shalay Alshabaab ay weerareen hotelka Maka Al-mukarama ee magaalada Muqdisho ayaa saaka wali waxaa la maqlayaa dhawaqa rasaas ay isweydaarsanayeen dhinacyada ku dagaalamaya.

Wararka ayaa sheegaya in hal ruux oo loo maleynayo inuu dhaawacan yahay uu wali ku jiro qeybta sare ee dabaqa hotelka Maka Al mukarama kaasi oo wali rasaas iyo qaraxyo kasoo ridaya dabaqa.

Afhayeenka ciidamada booliska Soomaaliyeed Qaasim Axmed Rooble, ayaa sheegay in wali ay kaga shakisan yihiin in hotelka uu ku jiro ruux ka tirsanaa dadkii weerarka geystay kaasi oo loo malaynayo inuu dhaawac yahay.

Afhayeenka wuxuu sheegay in ciidamada dowlada Soomaaliya ay wali ku mashquulsan yihiin badbaadinta dadka hotelka ku jiro, iyadoo ciidamada aysan u suurto galin iney gudaha hotelka u wada galaan.

Wuxuu sheegay in ciidamada ay doonayaan inay saacadaha soo socda ka saaraan guud ahaan hotelka ayna warbaahinta xog badan ka siin doonaan qaabka weerarka loo geystay.

Dadka goobjoogayaal ah ayaa sheegaya in ciidamada amaanka iyo kooxaha weerarka qaaday wali ay mararka qaar isweydaarsanayaan rasaas iyo qaraxyo waaweyn, iyadoo mararka qaar la maqlayo qaraxyada.

Idale News Online, Muqdisho

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here