Shabaab oo sheegtay 15 ruux oo Kenyan ah inay ku dileen weerar ka dhacay Mandera

0
175

Muqdisho(INO)- Ururka Al Shabaab ayaa sheegtay weerar ka dhacay Magaalada Mandera ee Gobolka Waqooyi Bari ee dalka Kenya inay ku laayeen Dad u dhashay dalka Kenya oo ku sugnaa Magaaladaasi.

Weerarkaan ayaa dhacay xalay saacada markii ay aheyd 2:20 wuxuuna ku biloowday qaraxyo Shabaab ay ku argagax geliyeen dadkii deganaa dhismaha weerarka ay ka geysteen.

Dhismaha Shabaabka ay weerarka ka geysteen oo ku yaalo Bartamaha Magaalada Mandera, ayaa waxaa deganaa dad Kenyan ah oo aanan u dhalan Magaaladaasi, balse Shabaabka ay sheegteen inay ahaayeen shaqaalo u shaqeeya Dowladda Kenya.

Sarkaal ka tirsan Ururka Al Shabaab oo la hadlay Idaacada ku hadasha Afka Shabaabka ee Andalus, ayaa wuxuu sheegay weerarkaasi inay ku dileen 15-ruux oo Kenyan ah.

“Weerarkan wuxuu qayb ka yahay Silsilado weeraro ah oo mujaahidiintu waayadii dambe ku ugaarsanayeen gaalada ku sugan gobolka NFD, Waxaana lagu dilay ugu yaraan 15 ruux oo gaallo ah, tira kalena waa lagu dhaawacay.” ayuu yiri Sarkaal ka tirsan Shabaab oo la hadlay Idaacadda Andalus.

Shabaab ayaa sidoo kale sheegay ciidamadii ka tirsanaa Ururkooda ee fuliyay weerarkaasi inay dib ugu laabteen goobihii ay ka duulaan tageen, inkastoo aysan shaacin fariisimahooda.

Ciidamada Booliska iyo Millateriga dalka Kenya, ayaa howlgalo ballaaran waxa ay ka wadaan Magaalada Mandera ee dalka Kenya, halkaasi oo ay ka baadigoobayaan Shabaabkii weerarka geystay