Sh. Shariif, Farmaajo Iyo Murashaxiin Kale Oo Heshiis Isbaheysi Gaaray -Video

0
207

Muqdisho(INO)- Ololihii ugu xoogganaa ee xod xodashada iyo isu soo dhowaanshaha murashaxiinta ayaa caawa si weyn looga dareemayaa hoteelada Muqdisho, waxaana shirar kala gooni ah oo ay yeesheen murashaxiin miisaan leh ay ku gaareen heshiisyo aan la ogeyn inuu fuli doono iyo in kale.

Qaar ka mid ah musharixiintaaasi oo kulan saacado qaatay ku yeeshay Hotel Jazeera ayaa heshiis ku gaaray in ay taageeraan musharixii ugu cod bata doorashada 8 Febraayo dhaceyso.

Afhayeenka murashaxiinta isbadal doonka Ridwaan Xersi Maxamed ayaa saxaafadda u akhriyay afar qodob ay ku heshiiyeen murashaxiinta.

1-In si dhow loo wada shaqeeyo lana isku xiro dhamaan howlwadeenada ka shaqeynaya ololaha doorashada ee musharixiinta .

2-in Xildhibaanada qaranka ee taageersan Isbedelka ay isku duubnaadaan iskana warhayaan .

3-in xubnaha musharixinta ku midoobay golahan ay ka shaqeeyaan sidii codka xildhibaanadu uu u xaqiijin lahaa isbedel dhab ah in uu hirgalo , iyadoo si toos ah loo taageerayo musharaxa ugu cod bata ee ka mid ah golahan wareegyada kala duwan ee doorashadu mari doonto.

4-in hadii isbedelku guulaysto mid ka mid ah musharixiinta golahan uu dhiso dowladd haysata kalsoonida baarlamaanka yo shacabka Soomaaliyeedba

Waxaa kulankaan xaadir ku ahaa ilaa toban murashax oo ay ka mid ahaayeen Shariif Sh. Axmed, Maxamed Cabdulaahi Farmaajo, Cabdiraxmaan faroole , Maxamed Cali Nuur Americo , Cali Xaaji Warsame , Xaaji Maxamed Yaasiin, Dr Cabdi Maxamuud Culusow, Zakeriye Maxamuud Xaaji Cabdi, Siciid Cabdulaahi Dani, Cabdulaahi Ciilmooge Xirsi iyo Maxamed Axmed Jabarti.