Bartamihii Bishii December Ee Sanadkii tagey Ayay ahayd markii ugu horeysey Oo Magaalada Baydhabo Ee Xarunta Gobolka Bay Laga Dareemey Cudurka Shuban Biyoodka Balse Mudo Kooban Gudahooda Ayaa Ku faafay Degmooyin Iyo Deegaano Ka tirsan Gobolka Bay.
Wasaarada caafimaadka Dowlada Koonfur Galbeed Somalia ayaa waxaa ay wadaa dadaalu aad u fara badan oo ay ku doonayaso sidii loo badbaadin lahaa dadka soo ritay cudurka shiban biyoodka .
Dagmada Bardaale ee gobalka Bay waxay ka mid tahay Degmooyinka hoosyimaada magaalada Baydhabo ee Xurunta gobalka Bay .
Dhawaan ayaa waxaa si xoogan oo uga bilowday cudurka shiban biyoodka isla markaana wafdi oo hogaaminayo wasiirka wasaarada caafimaadka koonfur Galbeed ayaa saraf shaqo ku tagay Degmada Berdaalle.
Waxana ay Gaarsiiyeen Daawooyin Looga Tala galey Inl agu tacaalayo Cudurka shubun Biyoodka Ee halkaas ka jira.
Markii ay gaareen Degmada Baradle Wafdiga ayaa waxa ay Bilaaween in ay soo Uruuriyaan Dadka Ku Dhacay Cudurkaas Iyagoon ay Ka Soo Dabuleyeen duledka Magalada Bardaale.
Agasimaha Guud Ee Wasaarada Cafimadaka Koonfur Galbeed Somalia Isaq Mahmuud Mursal( isaaq fanax) ayaa ka Hadley Sida ay Tahay xaalada ay Ka jirto Degmada Baradle Ee Gobolka.
“Xaalada Degmada Baradale Ka jirata aya ah mid aan Joogsi Lahayn, isla markaana dadka Uu soo Ridanaayo Cudurka Shubun Biyoodka Ila Iyo Hada waxa U geeriyoodey In Ka badan 20 Qof Oo isugu Jira Caruur Iyo Dadadka ah “ ayuu yiri agaasimaha