Muqdisho(INO) – Taliska AMISOM ayaa ka hadlay sidan ay u arkaan baaritaan lagu sameeyay qaar ka mid ah askartooda xili ay qorsheynayeen in ay gudaha u galaan xaruntii ay ka dhacday dhaarta xildhibaannada 27kii bishan maalin ka hor.
Sawir muujinaya askari ka tirsan cidamada booliiska Soomaaliyeed oo baaraya askari ka tirsan cidamada AMISOM ayaa lagu baahiya baraha bulshada, kaasoo muujinaya foojignaantii dheeraadka aheyd ee ciidamada booliiska Soomaaliyeed intii ay soctay munaasabadii lagu dhaarinayay xildhibaannada.
Taliska AMISOM oo qoraal kooban soo dhigay bogga ay ku leeyihiin Twitter –ka ayaa lagu sheegay in aritan tahay taxadir dhinac amniga ah oo guud ahaan ay qabeen cidamadii ilaalada ka hayay xarunta doorashada, waxaana la sheegay in askariga baarayo laftirkiisa doonayay in ay uu ka qeyb-qaato sugida amniga xarunta.
Ciidamada dowlada Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ayaa inta badan wadajir uga qeyb-qaata sugida amniga munaasabadaha waaweyn ee heer Qaran, laakiin waa markii ugu horeysay oo la shaaciyo sawir muujinaya ciidamada Soomaaliyeed oo baaraya askar AMISOM ka tirsan si loo sugo amniga.