Sarkaal Ciidamada DF soomaaaliya ka tirsanaa oo Burhakaba lagu dilay.

0
187

 Buurhakaba:sarkaalkaan oo ka tirsanaa Ciidanka dowladda Soomaaliya islamarkaana lagu Magacaabi jiray Cabdi Xasan ayaa Kooxo Hubeysan waxa ay ku dileen Tuulo Duleedka ka ah Degmada Buur Hakaba ee Gobolka Bay.

Goob Joogayaal ayaa Shabelle u xaqiijiyay in Kooxo Bastoolado ku hubeysan ay dilkaasi Geysteen islaamarkaana ay dhaawaceen Askari ilaalo u ahaa Saraakaalkaasi kadibna ay goobta isaga baxsadeen.

Xiriiro aan la sameynaya Saraakiisha iyo Masuuliyiinta Degmada Buur hakaba ee Gobolka si aan wax badan uga ogaanno dilka Sarkaalkaasi ayaan inoo suura gelin.

Si kastaba dilka Sarkaalkaani ayaa qeyb ka ah falal ammaanka liddi ku ah oo Muddooyinkii dambe ka dhacayay Degmada Buurhakaba ee Gobolka Bay.

dilqorsheysan

Idale News OnLinle

Xigasho:Shabelle.net