Saraakiisha Maamulka KMG juba ayaa iska fogeeyay dilalkii ka dhacay kismaayo

0
167

Saraakiisha Maamulka KMG ah ee Juba ayaa iska fogeeyay inay ka dambeeyaan dilalkii u dambeeyay ee ka dhacay magaalada Kismaayo, iyadoo labadii habeen ee u dambeeyay magaalada ka jirtay xaalad cabsi ah.

Taliyaha ciidamada ammaanka Kismaayo Maxamuud Qaalib Cali ayaa sheegay in maamulka aanu wax lug ah ku laheyn dilalkaas, isla markaana wixii ka dhaca magaalada Kismaayo la og yahay oo ay tahay magaalo la is wada yaqaan.

“Dilalkaas sal iyo raad ma lahan, Kismaayo ma ahan sida Muqdisho oo kale, waa meel kaam oo la is wada yaqaano qabaa’ilada degan ay is og yihiin, waxaa la socotiin in dhowr habeen ka hor Shabaab ay dileen Taliyihii nabadsugida iyo ilaaladiisa”ayuu yiri Mr Qaalib.

Sarkaalkan ayaa sheegay in ciidamada ammaanka ay u howl galaan sugida amniga rayidka, waxaana uu meesha ka saaray in ciidamada ay bartilmaameedsadaan dadka rayidka sida uu yiri.

Ilaa todobo ruux ayaa lagu dilay magaalada Kismaayo wixii ka dambeeyay dilkii labo habeen ka hor loo geystay Taliyihii Nabadsugida Kismaayo Ciise Kaambooni, waxaana dilkaas uu sababay in magaalada ay gasho xaalad jahwareer iyo cabsi.

Idalenews Mogadishu