Saldhigyo Kooxda Mayalka Adag Ee Soomaalida Al-shabab Ay Leeyihiin Oo La Garaacey

0
202

Kismaayo(INO)-Faah-Faahin dheeraad ah ayaa waxa ay kasoo Baxeysaa Duqeyn ay Diyaarahada Aan Cidina Wadin Ee Mareynkanka ay ka Geysteen Deegaanka Buulagaduud Ee Gobolka Jubbada Hoose.


Waxaa la Rumeysan yahay Duqeyntaasi lagu Bartilmaameedsaday Xubno ka Tisan Saraakiisha Xarakada al-shabab oo Halkaasi ku sugnaa iyadoo illaa Dhowr Gantaal lagu dhuftay.


Dadka shacabka ah Ee Ku Nool Deegaanka Buulagaduud ayaana wax yeelo kasoo Gaarin Duqeynta Diyaarahada Duuliya la’aanta ah Ee La Rumeysan yahay in uu leeyahay Mareynkanku ay ka geysteen Buulagaduud ee gobolka jubbada hoose.


Qasaaraha Qasmiga ah Ee Halkaasi ka dhashay ayaana illaa Haatan la Xaqiijin Karin Maadama ay tahay Deegaan aad u yar islmarkaana ay ku xoogan yihiin Al-shabab.


Xarakada al-shabab oo iyada Duqeynta loo geystay wax war ah kama aysan soo saarin Dowlada Federaalka ah Ee Soomaaliya iyana dhankeeda kama aysan Hadlin Duqeyntaasi.


Diyaaradaha Duuliya la’aanta ah Ee Mareynkanka ayaa Waxaa ay kordhiyeen Duqeynta circa ah Ee Xarakada al-shabab Ee Dalka Soomaaliya ay ku Qaadayaan.

Idale News Online, Kismaayo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here