Safiirkii Ruushka ee dalka Turkiga oo goor dhaw toogasho lagu dilay

0
191

Ankara(INO) -Safiirkii Ruushka u fadhiyay magaalada Ankara ee Caasimada Turkiga Mr Andrei Karlov ayaa toogasho  lagu dilay.

Warbaahinta Turkiga ayaa sheegtay in Safiirka uu geeriyooday dhaawac ka soo gaaray toogasho uu u geystay nin ku hubeysnaa bastoolad.

Safiirka ayaa ku sugnaa meel madxaf oo ka socotay bandhig farshaxan, waxaana laga toogtay dhabarka dambe oo uu taagnaa, xilliga uu khudbad ka jeedinayay madxafka.

Waxaa la sheegay in ninkan uu ku qeylinayay Allaahu Akbar iyo erayo ay  ka mid ahaayeen joojiya gumaadka aad ku heysaan magaalada Aleppo ee dalka Suuriya.

Shaqsiga toogashada geystay ayaa la sheegay in markii hore uu taagnaa dhabarka danbe ee safiirka, xilliga uu Safiirka khudbada jeedinayay.

Ciidamada Turkiga ayaa toogtay ninka dilka ka dambeeyay, waxaana ninka uu dhaawacay dhowr ruux kale oo ku sugnaa Matxafka ay ka socotay bandhiga Farshaxanka.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Turkiga ayaa tagay goobta lagu toogtay Safiirka Ruushka u fadhiyay magaalada Ankara.

Ugu danbeyntii, ciidammada badan oo isugu jira kuwa milateriga iyo ciidamada sida gaarka u tababaran ayaa ku sugan halkii lagu dilay Safiirka Turkiga, waxaana socda baaritaano.