Safiirka UAE ee Soomaaliya oo la aqbalay(Sawirro).

0
211

Maddaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamud ayaa maanta waraaqihii aqoonsiga ka guddoomay safiirka cusub ee UAE, H.E. Mohamed Al-Othman.

Safiirka cusub a uga mahad-celiyey Madaxwyanaha Soomaaliya sida uu uga aqbalay warqadahiisa aqoonsiga ee Safiirnimo. ” Dowladda Isutaga Imaaraadka Carabta aad iyo aad bey ugu faraxsantahay in maanta xiriirkii taariikhiga ahaa ee Soomaaliya iyo UAE sii xoogeysto. Dowladda Imaaraadka ayaa diyaar u ah inay ka qeyb-qaadato dib u dhiska dalka.” Ayuu yiri Safiirku.

Sidoo kale Safirka ayaa sheegay in Imaaraadku uu mashaariic horumarineed ka wado Somalia iyo gar-gaar bani’aadanimo, isla markaana ballan-qaaday in Dowladiisa ka caawin doonto Somalia arrimaha horumarinta dalka iyo dib-u-dhiska dalka.

Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa yiri ” Waxaan uga mahad-celinayaa dalka UAE inay safiir u soo diraan Soomaaliya, waana ku faraxsanahay in UAE uu dowladda Soomaaliya kala shaqeeyo sidii dalka dib loogu dhisi lahaa, isla markaana shacabka Soomaaliyeed ay heli doonaan fursado shaqo ama tababaro. Caalamkuna waxey kalsooni ku qabaan in Soomaaliya ay cagaheeda isku taagtay, isla markaana uu dalka u gudbay marxalad horumarineed.”

Ugu dambeyntii Madaxweyanaha ayaa u ballan-qaaday safiika inay dowladiisa si hagar la’aan ah ula shaqeyn doonto si uu u guto xilkiisa loo soo igmaday.

Safiirka Soomaaliya ee UAE 1 Safiirka Soomaaliya ee UAE 5 Safiirka Soomaaliya ee UAE 4 Safiirka Soomaaliya ee UAE 3 Safiirka Soomaaliya ee UAE

Safiirka Soomaaliya ee UAE 1Safiirka Soomaaliya ee UAE  5Safiirka Soomaaliya ee UAE  4Safiirka Soomaaliya ee UAE  3Safiirka Soomaaliya ee UAE  2Safiirka Soomaaliya ee UAE 1

Idale News Online, Muqdisho.