Sababta Badisay In Haweenka Lagu Beegsado Gobolka Bakool

0
198

Xudur (INO) – Ilaa 10 haween ah ayaa lagu dilay Magaalada Xudur Seddaxdii Bilood ee lasoo dhaafay, waxaa sidoo kale la Afduubtay 3 kale oo ay Kooxda Shabaab wadatay, ilaa haddana aan la ogeyn halka ay geeyeen.

Teaser Image Sababta Badisay in Haweenka lagu Beegsado Gobolka Bakool

Kooxda Shabaab ayaa waxaa ay inta badan Haweenkaas iyadu u dishay si aan Arxan laheyn, waxayna ku eedeysay in ay DFS u taageerayeen la dagaallankooda.

DF Soomaaliya ayaa dhankeeda Askari Ciidankeeda ka tirsani dilay 3 haween ah oo sida uu sheegay Basaasay Haweeney uu qabay oo Shabaabku ku dileen duleedka Magaalada Xudur ee Gobolka Bakool.

Ammaanka Gobolkaas ayaa ah mid aad u liita Dowladda Federal-ka ah oo inta badan Degmooyinkiisa joogtana kuma aysan Guuleysan weli in ay soo Celiso Ammaankii Gobolka.

Sababta Haweenka loo dilayo ayey isku Dayday Warbaahinta Idale News Online in ay Ogaato, waxaana ay tahay Haweenka oo intooda badan ay Afduubteen Shabaabku Ubadkooda si ay ugu Adeegsadaan dhibaateynta dadka, iyaguna ay dhankooda inta badan Ciidan Noqdeen si ay Ubadkooda usoo Badbaadsadaan.

Idale News Online – Xudur

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here