Muqdisho(INO)- Ra’iisul Wasaaraha Somaliya Cumar C/rashiid Cali Sharmaake oo ka hadlaayay xaalada ammaanka Magaalada Muqdisho, ayaa sheegay Dowladda Somaliya inay ku dadaalayso xaqiijinta ammaanka, si looga hortago falalka lidiga ku ah dhanka ammaanka caasimada.
Cumar C/rashiid Cali ayaa sheegay Dowladda Somaliya inay hayso macluumaad ku aadan dadka ka dambeeya Qaraxyada Magaalada Muqdisho, qaar dadkaasi ka tirsana laamaha ammaanka ay gacanta ku dhigeen.
Waxa uu tilmaamay Ra”iisul Wasaare Sharmaake dadka ay gacanta ku dhigeen inay yihiin kuwa bixiya tababarada ku aadan xagjirnimada, isaga oo ka gaabsaday inuu bixiyo macluumaad badan oo ku aadan dadka uu sheegay laamaha ammaanka inay gacanta ku dhigeen.
“Dadka waxaan sameeya oo tababarka u fudiya dadkaan xagjirka ah dadkaas waan soo qabanay gacanta ayeey ku jiraan, kuwii kale ee waxaan ka dambeeyay waan ku daba jirnaa, marabo inaan waxyaabo badan faah-faahin ka bixiyo, waan rajeynayaa inaan gacanta ku soo dhigno dadkaasi aan Magaalada tan qaraxyada xamar aad ugu batay, maadaama looga adkaaday Degmooyinkii laga qabsaday oo noqotay inay soo galaan Magaalooyinka qaar, waan naqaanaa dadka waxaan ka dambeeya, waana rajeynayaa inaan gacanta ku soo dhigno dhawaan.” Ayuu yiri Ra”iisul Wasaaraha Somaliya.
Hadalka Ra’iisul Wasaaraha ayaa wuxuu iftiimanayaa in Dowladda Somaliya macluumaad ay ka hayso meelaha laga soo abaabulo qaraxyada iyo dadka soo qorsheeya intaba, balse Dowladda aysan weli qaadin ficilo toos ah oo looga falcelinaayo qaraxyada Shabaabka.
Todobaadkii aan soo dhaafnay ayeey aheyd markii gaari xamuul ah oo waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay lagu weeraray Hotelka SYL oo Madaxtooyada ka soo horjeeda.
Shalay oo ugu dambeysay gaari ayaa ku qarxay wadada Maka Al-Mukarama ee Magaalada Muqdisho, gaarigaasi oo la sheegay in miino lagu soo xiray.