RW,CCC Sharma’arke oo daaha ka rogay qorsho cusub oo ay damacsan tahay Xukuumadiisa

0
213

Muqdisho(INO)-R/W Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke oo ka hadlaayay arrinta Alshabaab ayaa waxa uu sheegay in Xukuumadiisu ay wado qorshayaal cusub oo lagu maja-xaabinaayo Maleeshiyaadka Cusub.

Waxa uu sheegay in talaabada koowad oo ay qaadi doonaan ay noqon doonto inay dhawaan qaadan duulan ka dhan ah Alshabaab kaasi oo si saf ah uga dhici doono gudaha magaalada iyo Gobolada dalka ka hor inta uusan sanadkaani dhamaan.

Cumar ayaa sheegay in si hadafkaasi ay u gaarto xukuumadiisa ay taageero uga baahan tahay Bulshada oo uu ka codsaday inay Ciidamada kala shaqeeyaan Ammaanka.

Isagoo arrinkaasi ka hadlaayay ayaa waxa uu yiri“Waxaan dajinay qorshe aan kaga hortageyno Weerarada Al Shabaab, weerarkaan waxaan rajeynayaa in uu noqdo kii u dambeeyay oo ay fuliso Kooxda”

Hadalkaan ayaa waxa uu ka sheegay kulan deg deg ah oo uu la qaatay Xubno ka kala tirsanaa Laamaha Amaanka, kuwaasi oo uu kala hadlaayay wax ka bedelka Amaanka Magaalada Muqdisho.

Idale News Online, Muqdisho.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here