RW, Soomaaliya iyo Wafdi uu Hogaaminayo oo maanta ka dhoofay Magaalada Muqdisho

0
183

Muqdisho(INO)-Ra’izul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharamake iyo wafdi uu hogaaminayay ayaa maanta ka dhoogay garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho.

Wafdiga uu hogaaminayo Ra’izul Wasaaraha Soomaaliya ayaa u ambo baxay Dalka Qadar , waxaana garoonka Diyaaradaha ka sagootiyay R/Wasaaraha iyo xubnaha la socda Wasiiro iyo Xildhibaano katirsan Baarlamaanka Soomaaliya.

R/Wasaare Cumar Cabdirashiid ayaa casuumad ka helay dhigiisa dalka Qadar, waxa uuna halkaasi joogi doonaan dhoor maalmood iyadoona inta uu Qadar joogo la kulmi doono dhigiisa iyo Madax sare oo katirsan Dalkaasi.

Dowlada Qadar ayaa kaalin muuqata uga jirta Dowladaha carbeed ee taageerada siiya Dowlada Federaalka Soomaaliya, waxaana la filayaa in R/Wasaaraha Soomaaliya uu madaxda Qadar kala hadlo sii xoojinta xariirka labada wadan.

Idale News Online, Muqdisho.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here