RW, Somalia oo ka Hadlay Arrinta Badda Isagoo Muujiyay is-difaacid

0
193

Garowe(INO)- MRa’iisul wasaaraha waqtigiisa dhamaaday ee Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke oo ku sugan magaalada Garowe ee xarunta maamulka Puntland ayaa markii u horeysay soo hadal qaaday eedeymaha loo jeedinaayo ee ku saabsan muranka badda Soomaaliya ee Kenya ku dooneyso inay sheegato dhul badeed cabirkiisa dheer yahay.

Cumar Cabdirashiid oo eeda ugu badan isaga loogu jeedinayo kaddib is-fahamkii dowladdaha Soomaaliya iyo Kenya kala saxiixdeen sanadkii 2009-kii, xilligaasoo xukuumaddii uu hoggaaminayay heshiiskaasi iyada saxiixday.

Ra’iisul wasaare Cumar oo is difaacaya ayaa sheegay in xuduud badeedka Soomaaliya ay la wadaagto Kenya, ay u leexsaday dowladda Kenya hab khaldan.

“Midda koowaad, Kenya waxay “Vertical line” u jeexday badda Soomaaliya sanadkii 2005, muranka iyo habka ay u jeexday “boundaries” xilligaas annaga ma joogin wadanka, midda labaad habka loo qeexayo  MOU ma ahan mid saxan, kumana saabsaneyn arrin xuduud, ” MOU” waxa ay aheyd in labadeena dalba aan codsanno in baddeena la baahiyo, oo la dheereysiiyo, annaga warqadda maalinkaas aanu gudbinnay, Soomaaliya waxaa u soo kordhay 630,000 km2, macluumaad kale ma guda gali doono xilligan oo dacwaddu socoto, hayeeshee mar ayaa dadka ka shaafin doonaa arrintan”ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha oo jawaab kooban ka bixiyay dacwada Badda ee taala Maxkamadda, mar su’aal laga weydiiyay.

Ugu dambeyntii, Ra’iisul Wasaaraha ayaa u muuqday mid si degan arrintan uga hadlayay, isagoo muujinayay isku kalsoonaan, waxaana dad badan ku eedeeyeen inuu sabab u ahaa in Kenya damacdo badda Soomaaliya, isla markaana muran la geliyo Badda.