RW Somalia iyo Wafdi uu Hoggaaminayo oo maanta Gaaray degmada Kismaayo ee Gobolka J/Hoose

0
264

Kismaayo(INO) — Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya iyo wafdi ballaaran oo uu Hoggaaminayo ayaa maanta Gaaray Magaalada Kismaayo ee Gobollada Jubbada Hoose, halkaasoo uu kulammo kula leeyahay madaxda maamulka Jubba.

Sharmaarke_oo_Kismaayo_Gaaray_HOL

Wafdiga RW Cumar C/rashiid Cali ayaa waxaa garoonka diyaaradaha degmada Kismaayo kusoo dhaweeyay madax uu ka mid yahay madaxweynaha Jubba, Sheekh Axmed Madoobe iyo xubnaha labada gole ee Maamulkiisa.

Socdaalka Sharma’arke ayaa salka ku hayaa xallinta mudan soo dhexgalay maamulka Jubbaland iyo Dowladda Federaalka ah ee Somalia, kaasoo ka dhashay Mooshin laga keenay Baarlamaanka Jubbaland oo uu ansixiyay Baarlamaanka FS.

Amaanka Kismaayo ayaa si aad ah loo adkeeyay, iyadoo wariyaasha soo sheegayan in Wafdiga RW Sharma’arke iyo Mas’uuliyiinta Maamulka Jubbaland ay u socdaan kulammo aan kala kac lahayn.

RW Somalia iyo wafdigiisa ayaa waxay kasoo kicitimeen dalka Kenya, kaddib markii ay kasoo laabteen socdaal ay ku tageen Mareykanka oo ay kaga qaybgaleen kulan uu lahaa Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay.

Wararka ku saabsan kulamada u socda RW Sharma’arke iyo mas’uuliyiinta Jubba waxaad kula socon doontaan wararka soo socda ee INO haddii ALLE ogolaado.

Idale News Online, Kismaayo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here