Baydhabo(INO)- Maalintii shalay waxaa magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Bay Gaaray siyaasiyiin iyo RW hore ee Soomaaliya C/wali Sheikh Axmed Max’ed,waxaana halkaasi si weyn ugu soo dhaweeyay mas’uuliyiin uu ka mid yahay madaxweynaha Dowlad Koonfur Galbeed Soomaaliya Shariif Xasan Sheikh Aadan.
Siyaasiyiinta gaaray Degmada Baydhabo ayaa xalay kulan albaabada u xiran yahay madaxtooyada Baydhabo kula qaaday Madaxweynaha Koonfur Galbeed Soomaaliya ,waxaana si dhab ah loo ogeyn waxyaabaha sida rasmiga ah mas’uuliyiinta kulankooda uga hadleen.
Halkan Ka Dhageyso
Wasiirka Warfaafinta Dowladda Gobaleedka Koonfur galbeed Soomaaliya Xasan Cabdi Max’ed oo wareysi gaar ah siiyay warbaahinta KGS ayaa sheegay in kulanka madaxweyne Shariif Xasan iyo C/wali Sheikh Axmed ay wada qaateen muhiimadiisa uu ahaa soo dhaweyn,balse uu sheegay iney jirto kulamo gooni gooni ah mas’uuliyiinta wada qaateen,sida uu sheegay Wasiirka.
Ra’iisal wasaarihii hore ee Soomaaliya Cabdi Wali Sheikh Axmed iyo Siyaasiga siyaada ku fashilmay ee Dr. Sheekh C/raxmaan Baadiyow ayaa wali ku sugan magaalada Baydhabo kulamana la leh Waxgaradka iyo qeybaha kala duwan ee Koonfur Galbeed Soomaaliya.
Ugu dambeyntii, Xaalada lagu jiro hada ayaa ah mid kala guur ah,waxaana socdo dadaalo lagu doonayo in sanadka 2016-da doorasho kaga dhacda Soomaaliya,waqtiga Dowlada Federaalka uu sii dhamaanayo.
Idale News Online, Baydhabo