Wararka ka imaanaya magaalada Kismaayo ayaa sheegaya in xalay ay khadka telefoonka ku wada hadleen Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Muqdisho C/weli Sheekh Axmed oo labadii maalin ee u danbeeyay ku sugnaa magaalada Kismaayo iyo Col. Barre Aaden Shire Hiiraale oo dhawaanahaan saldhig ciidan ku lahaa duleedka degmada Kismaayo gaar ahaan halka loo yaqaan Goobwayn oo ah meel aan sidaasi uga fogayn Magaalada.
Rag ku dhow labada nin ayaa sheegaya inay ka wada hadleen sidii loosoo celin lahaa Ciidanka duleedka magaalada dagan ee hogaamiyo Barre Hiiraale, kadibna ciidamadaasi lagu daro kuwa Boobland, kadaibna ay labada dhinac ka heshiiyaan dhinaca siyaadda, iyadoo arrintaasi Barre Hiiraale ka biyo diiday, kaas oo sida wararkani sheegayaan ku xiray shuruud inuu ciidamadiisa gudaha kismaayo soo geliyo taas oo ah in marka hore ay labada dhinac kawada hadlaan waxyaabaha ay isku hayaan, markaasi kadibna laga hadli karo in ciidamadiisu ay gudaha u soogalaan magaalada kismaayo iyo in kale.
Barre Hiiraale oo xiriir hoose kala dhaxeeya Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ayaa aaminsan in Axmed Madoobe magaalada Kismaayo looga saaro Dagaal oo aan wax wadahadal ah lala galin.
Idale News Online, Kismaayo.