Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Dr Cabdiwali Sheekh Axmed Maxamed oo xalay soo gaaray magaalada Adis Ababa ee caasimada Itoobiya ayaa ka qaybgalaya kulanka 26-aad ee aan caadiga ahayn ee madaxda Urur Goboleedka IGAD.
Ra’iisul Wasaaraha oo ay Safarkiisa ku wehelinayo Wasiiru-dawlaha Arrimaha Dibadda iyo xubno kale ayaa waxaa garoonka caalamiga ah ee Booli ee magaalada Adis Ababa kusoo dhaweeyay Safiirka iyo Qunsulka Safaarada Soomaaliya ee Magaaalada Adis Ababa iyo madax ka socota Dawlada itoobiya.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa muhiimadda Safarkiisu waxaa ay tahay in uu ka qaybgalo Shirweynaha 26aad ee Urur Goboleedka IGAD oo diiradda lagu saari doono dhibaatooyinak iyo xaaladaha murugsan ee ka taagan South Sudan iyo Sidii loo damin lahaa
Sidoo Wasiiru-dawlaha Arrimaha Dibadda ee Soomaali Mudane Burci Xamza ayaa ka qaybgalaya kulanka 52aad ee kulanka aan caadiga ahayn ee Wasiirada Arrimaha Dibadda ee IGAD oo horudhac u ah kulanka ay madaxdu yeelanayaan.
Idale News Online, Addis Ababa.
.ioii