Russia iyo Qatar Oo waayi Doona Qabashada Koobka Adduunka 2018 iyo 2022

0
246

Mosco(INO)-Kaddib fadeexaddii hareysay saraakiil sare oo ka tirsan Xiriirka Ciyaaraha Adduunka ee FIFA ee keentay in uu iscasilo Madaxweynihii FIFA Sepp Blatter ayaa waxaa soo baxaya warar sheegaya in ay dhici karto in Russia iyo Qatar ay waayaan qabashada Koobka Adduunka ee 2018 iyo 2022.

Sarkaal sare oo FIFA ka tirsan oo lagu magacaabo Domenico Scala arrintan u sheegay wargeys ka soo baxa dalka Switzerland oo lagu magacaabo Swiss newspaper Sonntagszeitung. Domenico Scala oo ah Madaxa Hanti-dhowrka FIFA ayaa intaas ku daray in la tuhunsan yahay in Russia iyo Qatar ay kusoo baxeen codad ay iibsadeen, haddii caddeyntaas soo baxdana ay labada dal waayi doonaan in ay martigeliyaan Koobka Adduunka labada xilli ee soo socda.
russia_Qatar

Dalalka Russia iyo Qatar ayaa iyagu beeniyay in ay sammeeyeen wax sharci darro ah intii lagu guda jira qori-tuurka marti-gelinta Koobka Adduunka.

7 sarkaal oo ka tirsanaa saraakiisha sare ee FIFA ayaa laga qabtay Hotel Zurich, xilli ay halkaas u joogeen doorashada Madaxweynaha FIFA.Todobadan sarkaal ayaa waxay ka mid yihiin 14 qofood oo lagu helay in ay aqbaleen laaluush, iyagoo qaatay lacag dhan 150 milyan oo doollar muddo 24 sanadood ah.

Dowladda Switzerland ayaa dhankeeda billowday baaritaanka dembiyo ku saabsan sidii ay ku dhacday doorashadii qabashada ciyaaraha adduunka ee Sanadaha 2018 iyo 2022 ee ay ku kala guuleysteen dalalka Russia iyo Qatar.

Madaxweynihii FIFA Sepp Blatter oo xilkaas soo hayay tan iyo sanadkii 1998-kii ayaa xilkaas markii shanaad loogu doortay Magaalada Zurich laakin afar maalmood kaddib doorashadiisa ayuu ku dhawaaqay in uu xilkaas iska casilayo bacdamaa fadeexo musuq-maasuq ay harreysay FIFA.

Idale News Online,Mosco

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here