Recep Tayyip Erdogan madaxweynaha Turkiga ayaa imanaya Muqdisho, haddaba maxaad ka taqaan Recep Erdogan

0
566

Muqdisho(INO)-Recep Tayyip Erdogan marka Af turkiga lagu dhahayo ama Rajab Dayib Erdogan oo Afafka kale ay ugu dhawaaqaan waa madaxweynaha hadda ee Jamhuuriyadda Turkiga, waa raisal wasaarihii hore ee Turkiga, 2003 ayuu qabtay xilka raisalwasaarenimada, isaga oo hayey illaa sanadkan 2014, Erdogan waxa uu ku dhashay magaalada taariikhiga ah ee Qusdandiiniya oo maanta loo yaqaan Istambul sanaddii 1954-kii, Asal ahaan waxa uu ka soo jeedaa magaalada Darabzoon, waxa uu ku soo barbaaray saboolnimo, billowgii ku soo biiriddiisa siyaasadda ayuu u sheegay warbaahinta in uu iibin jiray khudaarta gaar ahaan Batiikh iyo sisin, taas oo uu sheegay in ay ka dabooli jirtay kharashka tacliinta ee dugsiyadiisii hoose dhexe, waxa uu dhigtay dugsiga Immaan khaddiib oo ahaa Iskuul diini ah oo lagu barto culuumta Islaamka, kadibna waxa uu galay kulliyadda dhaqaalaha ee jaamacadda Marmara.

basbakan-Recep-tayyip-erdogan-akp

Waxa uu ku biiray xisbigii Khalaas Al-waddani الخلاص الوطني oo uu guddoominayey Najmu-diin Arbakaan dabayaaqadii todobaatameeyadii, hayeeshee afgembigii millateri ee ka dhacay Turkiga 1980 ayaa meesha ka saaray xisbiyadii siyaasadda, saddexsano kadib oo ay xisbiyada siyaasaddu ku soo laabtee Turkiga ayuu noqday Erdogan xubin aad u firfircoon oo kamid ah  xisbiga Rafaah isaga oo olole weyn uga sameeyey xisbigaas magaalada Istambuul, doorashooyinkii 1994-tii ayaa xisbigiis Rafaah u sharraxaya in uu Ordagan noqdo duqa magaalada Istambuul, si fiican ayuu ugu guuleystay doorashadaas.

Afar sano kadib 1998 ayuu asaasay xisbiga caddaaladda iyo horumarka, hayeeshee waxa lagu eedeeyey in uu sameeyey kicin isnacayb iyo kala tag dhalin karta isaga oo adeegsanaya diin, taas oo sababtay in xabsiga la dhigo, islamarkaana laga mamnuuco in uu qabto xil dowladeed, waxa uu xilligaas ku jiray ololihii doorashooyinka guud ee dalka Turkiga, waxaa lagu qabsaday in uu dhowr beyt oo ka tirsan gabay Turki ah uu ka hor akhriyey dadweyne.

Waxa uu iska difaacay dhammaan eedihii loo soo jeediyey isaga oo xiriirkii aragtiyeed ee kala dhexeeyey saaxibadiisa siyaasadda ee u janjeeray dhanka Islaamka isku dayey in uu u difaaco hab aan siyaasadda kalasaaridda diinta iyo siyaasadda ama cilmaaniyadda aan si toos ah uga hor immaaneyn.

Taageerayaasha cilmaaniyadda ayaa u adeegsaday warbaahinta iyaga oo ku dhalliilay in uu hirgelinaya aragtida dhisidda jamhuuriyad Muslim ah oo la yiraahdo Turki, taas oo ku soo jeedisay indho badan oo siyaasaddaas aan la dhacsanayn.

Mucaaradkii ka horjeeday ayaa ka sameeyey dacaayad ahayd in uu doonayo in uu u dhaqmo sida Falaadamiir Buutinka Raashiya, Selfiyo berleskooniga Itaaliya oo marna noqda madaxweyne marna Raisalwasaare.

Xisbigiisa caddaaladda iyo nabadda ayaa ka qaybgalay doorashooyinkii golaha shacabka ee 2002 ka dhacay Turkiga iyada oo xisbigu helay 363 kursi iyada oo taasi ay ka dhignayd guul ka yaabisay dadkii ka soo horjeeday. Guushaasi waxa ay horseedday in uu madaxweyne noqdo Cabdulaahi Gool, oo isna inta buriyey xukunkii ku dhacay Ordogaan islamarkaana xeerkii lagu ciqaabayey meesha ka saaray u magacaabay xilka Raisalwasaarenimada jamhuuriyadda Turkiga.

Ordogaan waxa uu horseeday in Dalka turkigu uu helo Xasilooni siyaasadeed, mid dhaqaale iyo mid bulsho, waxa uu  heshiisiiyey dowladaha Jusuurabeeniya iyo adribiijaan isaga oo sidaas oo kalana caawiyey dowladihii yaryaraa ee Midowga Soofiyeetka.

Waxa uu la sameystay heshiis iyo iskaashi dowladaha ciraaq iyo Siiriya, isaga oo furfuray siyaasadda Turkiga ee xiriirka caalamiga ah oo ahayd mid hooseysa,taas oo horseedday in magaalada Istaambuulay noqoto magaalo ay ka muuqdaan dhaqamo kala duwan,  waxa uu furay xadka ay kurdiyiinta lawadaagan Turkiga oo ay furiddiisu mid nidaam ahaan mamnuuc ah, isaga oo sidaas oo kale ogolaaday in lagu qudbeyn karo Afka Kurdiyiinta.

 Waxa uu noqday Nin adadag oo mararka qaarkood qaata go’aan ay ku dhiciddiisu ku adagtahay madaxda sidiisa oo kale ah.

 2009  waxa uu ka baxay shirkii Daafuus kadib markii ay isaga iyo Shiimuun Beeriis isku afdhaafeen dagaalkii Gaza ka dhacay sanadkaas, waxa uu sheegay in Madaxweynaha Israaiil loo ogolaaday in uu hadlo 25 daqiiqo hayeeshee isaga iyo Camar Muusa oo ahaa xoghayaha jaamacadda carabta la siiyey 12 daqiiqo

 28-kii Augosto ayaa loo caleema-saaray in uu noqdo Madaxweynaha  12 ee Jamhuuriyadda Turkiga kadib doorashooyinkii madaxtinimada ee Turkiga.

 Raceb Tayyib Ordogaan waxa uu 2011 booqasho ku yimid Magaalada Muqdisho isaga iyo Xaaskiisa Aamina waxa ay si la ma filaan ah ugu soo jeediyey indhaha dunida xaaladdii adkayd ee sanadkaas ka jirtay Muqdisho isaga oo xukuumaddiisa weydiistay in Soomaaliya loo diro kaalmo bani’aadminimo iyo caawinaad siyaasadeed, kadibna waxa uu horseeday in adduunka intiisa kalana uu wax uun ka qabto gaajadii k adillaacday Koofurta Soomaaliya.

Kanu Tran danjirihii hore ee Turkiga u joogay Soomaaliya oo horraantii sanadkan kula kulmay xafiiskiisa Muqdisho ayaa ii sheegay in xiriirka Soomaaliya iyo Turkigu uusan billaaban 2011 ee soo billowday 1520 Kii oo ah ku dhowaad 500 oo sano kahor, xilligaas oo Dowladdii Cusmaaniyiintu ay hub iyo sahay u soo dirtay Axmed Ibraahin (Axmed Gurey oo la dagaalamayey maamulkii xilligaas ee Itoobiya oo gacan iyo taageero ka helayey dowladda boortaqiiska, dagaalkaasi waxa uu salka ku hayey halgan ay Boortaqiiska iyo Itoobiyaba ugu jireen sidii ay u qabsan lahaayeen xeebaha bariga Afrika ee Soomaaliya.

Isha: Radio Mustaqbal

Idale News Online, Muqdisho,

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here