Raysal Wasaarihii hore ee Talyaaniga oo lagu riday xukun ka nixiyay Taageerayaashiisa

0
196

kkkkkkkkkkkkkkkkk

Maxkamad ku taala magaalada Milano,ayaa goor dhawayd ku xukuntay Raysal Wasaarihii hore ee dalka Talyaaniga Silvio Berlusconi 7-Todoba sano oo xarig ah,  waxaana laga mamnuucay inta uu noolyahay masraxa Siyaasadda ee dalka Talyaaniga, ka dib markii lagu helay inuu gabar yar oo aan qaan gaar ahayn uu u galmooday, inta uu  lacag siiyay, isla markaana uu si sharci daro ah ugu takri falay awoodiisii maamul, isla markaana uu isku dayay in uu qariyo danbigan culus ee uu galay.

Qareenka u difaacayay Mr. Berlusconi, ayaa gaashaanka ku dhuftay oo dooday dhamaan xukunadda kala duwan ee ay maxkamadu ku riday Eedaysane Berlusconi,waxaanu sheegay in uu rafcaan ka qaadanayo xukunka  maxkamada, oo uu tilmaamay mid sharci daro ah.

Xarigan xabsiga ah ee lagu xukumay Berlusconi, oo ay da’diisu imika tahay 76 jir, ayaa la filayaa  sida uu dhigayo sharciga dalka Talyaanigu in eedaysanaha da’adan oo kale ah aan lagu xirin xabsiga balse uu xariga ku qaadan doono xabsi guri.

Mr. Berlusconi ayaa kursi ku leh golaha Senat-ka, mana jiro wax xil ah oo kale oo soo qabtay tan markii uu iska casilay xilka Raysal Wasaaradanimadda dabayaaqadi Sanadkii 2011-kii.

Raysal Wasaarahihii hore ee Talyaaniga  ee maxkamadu xukuntay ayaa lagu soo eedeeyay in uu la galmooday gabar yar oo qaangaar ahayn oo lagu magacaabo Kariima oo u dhalatay dalka Marroco sanadkii 2010-kii, xilaagaas oo ay Kariima da’deedu ahayd 17 jir,.

Sida uu sheegay garsooraha Maxakamada Milano, waxa lagu soo cadeeyay in uu Gabartan yar ee uu la galmooday ee lagu magacaabo Kariima in uu siiyay eedaysanuhu intii u dhaxaysay billihii Oktoobar iyo December ee sanadkii 2010-kii lacag lagu qadaray Afar Milyan Iyo Shan Boqol oo Kun oo Euro.

Geesta kale, Maxakamadda ayaa ku eedaysay gabadha dhibanaha ah ee Kariima inay dafirtay lacagta ay ka qaadatay Raysal Wasaarahaa hore ee Talyaaniga oo ay tiradeeda ku sheegtay Todoba Kun oo Euro Oo Kaliya,  iyada oo lacagtaa ku sheegtay in uu siiyay samafal ahaan, waxaana lagu soo eedeeyay Rayasal Wasaarahaa hore in uu gacan siiyay koox dumar ah oo ka shaqeeya inay ka ganacsadaan jirka gabadhaha yaryar ee aan qaan qaarka ahayn oo ay xiriir wada lahaayeen.

Dhinaca kale, waxa ay maxkamaddu ku eedaysay Mr. Berlusconi, inuu awoodii xilka uu hayay uu u isticmaalay in si khasab uu khadka Telefoonka ugaga amro ciidamada amaanka ee dalka Talyaaniga inay sii daayaan Gabadhaa yar ee uu u galmooday ee lagu magacaabo Kariima, oo xilligaa u xirnayd danbiyo tuugo ah oo loo haystay inay gashay, balse waxa uu ku dooday Mr. Berlusconi, in sii daynta uu sii daayay ay ahayd mid uu ugu samo falayay Madaxweynihii hore ee Masar Housni Mubaarik oo La soo xiriiray una sheegay in uu Inantaa yar adeer u yahay, taasina ay ayad uun mid uu ku qadariyay xiriirkii wanaagsanaa ee u dhaxeeyay Talyaaniga iyo Dalka Masar.

Idale News Muqdisho