Qorshe Kooxda Al-shabaab Ku Khaarijin Lahayd Wasiirka Waxbarashada KGS Oo La Fashiliyey

0
230

Buurhaba(INO)-Waxaa Degmada Buurhakaba ee Gobolka Bay lagu fashiliyey iskuday ay kooxda Mayalka Adag Ee  al shaaab rabeen iney ku qaarijiyaan wasiirkii waxbarashada iyo Barbaarinta Ee Dowladda KGS oo howlo shaqo ujooga Degmada Buurhakaba.

Kadib markii wasiirka Buurhakaba Gaarey Horaantii Bishaan si uu Kaalinta waxbarashada iyo Ciidanka degmada Buurhakaba  ula simo Degmooyinka kale ee Koonfur Galbeed ayaa waxaa loo diyaariyey wasiirka Iskuday la doonayey in lagu qaarijio kaasoo nasiib wanaag ay ka hor tageen Ciidankii gaar ahaa ee wasiirka oo u tababaran ka hortaga kooxaxa Al-shabaab Oo Dagaal Adag Kula Jirto Ciidamada Dowladda KGS iyo AMISOM.

Askari ka tirsanaa ciidanka Amniyaad-ka Al-Shabaab oo loo soo lebisey dharka ciidanka KGS  ayaa waxy dhigteen jidgooyo si uu halkaasi ugu sugo wasiirka Waxbarashada oo Buurhakaba shaqooyin muhiim ah horumarinta deegaanka ubadan ka wada laakiin nasiib wanaag markii wasiirka jidgooyadii imaadey ayaa Ninkii ku lebisanaa dharka Ciidanka dowlada wuxuu bilaabey rasaas taasoo wasiirka intey ag martay kelida ka haleeshey mid kamid ah istaafkii wasiirka isla markaana  ciidankii kale ee wasiirka ayaa durbaba rasaas la heley Ninkii kaasoo isla goobtii ku naf waayey.

Baaritaano kadib wasiirka ayaa wuxuu ogaadey sida ay ilo xog ogaal ah noo xaqiijiyeen in 4 maalin ka hor ninkaan oo baadiyaha kasoo galay sheegeyna inuu  Dadka Buurhakaba  yahay dowlada ka tirsan yahay  hase yeeshey lasoo ogaadey in loo soo direy qaarijinta wasiirka waxbarashada iyo Barbaarinta  Mudane Saadaad Maxamed  Nuur Caliyow .

Ugu Damabeyntii, Kooxda Al-shabaab Ee Soomaaliya  Ayaa inta badan Waxay Dhigtaa Shirqoolo lagu khaarijo Mas’uuliyiinta Dowladda Soomaaliya iyo Weliba  Kuwa Dowlad Goboleedyada Soomaaliya.

Idale News Online, Xafiiska Baydhabo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here