Assalamu Alaikum Warahmatullahi Wabarakatuh, salaan kadib Waxaan markasta u mahadnaqayaa ALLE oo ii suuro galiyay inaan wax soo gudbiyo, waxaas oo ah iftiinka wada noolashada iyo wax isla wada garadka ama isfaham bulsho,Waxaan kaloo aad u salaamayaa dhamaan bahda saxaafada somaliyeed gar ahaan bahda koonfur galbeed somaliya iyo akhristayaasha kala duwan.
Cooperative-ama iskaashigu waa wadada horumarka iyo guusha waana wadada lagu gaaro horumar la taban karo.Iskaashigu waa marka ay dad meel ku wada nool- & isku yimaadaan kadibna ay iska kaashadaan inay xaliyaan dhibaatooyin dhexdooda ka jirta, dhibaatooyinkaas oo noqon kara qaar bulsho kuna saleysan baahida kala duwan ee dadka.
Sidoo kale Iskaashigu wuxuu yimaadaa marka ay kulmaan dadyawga kala duwan kuwaas oo ka kala yimid meelo kala duwan iyagoo ujeedadoodu tahay in la gaaro meesha la hiigsanayo,Muhiimada ugu wayn ee iskaashigu wuxuu soo hoos gala qodobo muhiim ah oo ay kaga doodeen dad badan oo wax weyn ka faalodaa arimaha iskashiga iyo wada shaqeynta bulshada, bal eega qodobada aan soo wado oo ah kuwoo wax tar u leh umada wada shaqeynta ka dhaxeeyso, waxaanay u dhigi karnaa sidatan:-
- In la gaaro horumarka bulsho iyo hiigsi wanaagsan,
- In hoos loo dhigo faqriga,
- In la abuuro shaqo abuuris wax soo saar lehIyo in kor loo qaado is dhex galka bulshada,in laga wada dadaalo wanaga iyo isaminka bulshada.
Hadii aan Anigu ku darsado fikradayda ah muhiimada uu leeyahay iskaashigu waxay noqonayaan sidatan:-
- In la helo dad is ogol oo wax wada qabsan kara.
- In kor loo qaado wax kasta bulshada u baxan tahay
- In wax laga qabto nabada iyo xasiloonida meelaha qaar ee ka mid ah bulshada dhex-deeda.
- In la helo wax soo saar iyo nidaam kala dambayn leh,
- In la arko in iskaashigu yahay mid wax lagu wada qabsan karo mirihiisana la guran-karo oo heer sare laga istaagi karo,
Sidoo kale in iskaashigu yahay wadada wax soosaarka iyo xalinta dhibkasta oo taagan, waxaanay diinteena macaanka badan leh markasta ka warantaa oo ay dadka ku dhiiri galisaa inay dhamaan dadka muslimiinta ah iska kaashadaan dhamaan wax kasta oo wanaagsan qayrna ku jiro.
Inkasta oo aynaan ka geyoonayn muhiimada uu leeyahay iskaashigu ayaa hadana dadka reer koonfur galbeed somaliya intooda badan maahan dad iska kaashada inay ku xaliyaan dhibaatooyinka badan ee dhulkooda ka jiro, waxaanan anigu shaqsi ahaan aamin sanahay in haddii waxkasta la iska kaashado laga gaarayo guul iyo rajo wanaagsan hadaba reer koonfur galbeed somaliya waxa ka jira dhibaatooyin kala duwan oo kala ah:-
- Burbur iyo garasho la-aanta
- Nadaafad xumada
- Shaqo la,aanta baahsan
- Wax soo saar la,aanta dalka ka jirta oo dhulkiina uu yahay dhulka ugu wax soo sarka badan-markii la eego gobolada dhulkeena somaliyeed, idoo kale uu yahay dhulka wax walba laga heli karo hadana ey ku jirto baxiyo baxsan sida
- Biyo la,aanta dhulkiina uu yahay wada biyo,
sidoo kale waxaa naga maqan qalabka Beerashada beeraha iyo qaar kaloo badan,
hadaba shaqshi ahanteey Waxaan aamin sanahay haddii bulshada reer reer koonfur galbeed yar iyo waynba la iska kaashado dhibaatooyinka dalka ka jira inaan wax dhiba la arkeeyn inta ilaahay ka sokeysa iyadoo dhibkasta iyo xaalad kasta wax looga qabanayo sida ay u kala daran yihiin , tusaale ahaan waxaa inooga filan dhaliinta duurka ku jirto oo ku shaqeysa masqax-qof kale, hadaba hadii dhaliintaas shaqo qaran loo helilahaa waxaan filaa in ey dhulkooda wax u tari lahayeen oo u dhiman lahayeen qadiyadooda wadani nimo ee mar xalada manta ka tagan dhulkeena somaliyeed gar ahaan koonfurta somaliya.
Haddii shaqo la,aantu tahay aafada ugu daran ee dalka ka jira oo inta la isku yimaadaan dhamaan qaybaha bulshada ee kala duwan sida culimo-awdiinka, aqoonyahaniinta, taajiriinta dalka ,wax garadka, iyo cidkasta oo la is leeyahay wax waa ay ka qaban karaan lala tashado oo loo sameeyo shir wayne qaran oo u wada dhanyihiin bulshada inteeda kala duuban si loo xaliyo dhibaatadaas kadibna wixii go,aan ah ee ka soo baxa si deg-deg ah wax looga qabto oo loo fuliyo go,aanka dadwennaha hadii uu yahay mid tayeysan oo waxtar dheer u leh bulshada K/G/S/- waxaan aamin sanahay in wax badan is badali lahaayeen.
Hadaba waxaan ugu baaqayaa dhamaan bulshada reer koonfur galbeed somaliya in xooga saaraan sidii ay iskaga kaashan lahaayeen in ay dabar gooyaan dhamaan xaaladaha dhibaato ee kala duwan sida shaqo-la,aanta, biyo la.aanta, wax soo saar-la,aanta, caafimaad-la,aanta,waxbarasho la,aanta, nadaafada iyo wax kasta oo u baahan in la iska kaashado idinkoo u adeegsanaya cidkasta oo aqoon iyo waayo aragnimo u leh hawlkasta oo la qabanayo.
Waxa kale oo aan ugu baaqayaa dhamaan bulshada shacabweynaha Koonfur galbeed soomaaliya in aanay waxkasta dawlada ku halayn oo ay noqdaan dad iyagu wixii ay dawladu awoodi waydo qabsada oo aan cidnaba wax ka sugin.
Waxaan kaloo ku dari lahaa dhamaan xaafadaha magaalada Baydhabo in ay samaystaan gudiyo joogto ah oo markasta ka shaqeeyo xaalad kasta oo ka jirta xaafadaha kala duwan sida nadaafada , waxbarashada, wax soo saarka, wax wada qabsiga iyo wixii wanaagsan,
Waxaan hadalkayga ku soo koobayaa aynu iska kaashano waxkasta oo wanaagsan , aynu iska kaashano wax-soosarka dhulkeena, aynu iska kaashano nadiifinta magaaloyinka waweyn iyo degmoyinka ilaa xeer tuulo waa inoo wada muhiim, aynu iska kaashano shaqo abuurka iyo horumariinta bulshada, aynu iska kaashano joojinta qabyalada iyo waxkasta oo loo arkayo in wax lagu wanaajin karo,Aynu isku kaashano wanaag iyo horumar,aynu isku kaashano dhisida ciidanka dhulkeena difaci lahaa iyo wax walba danta guud ku jirto sida xalinta siyasiyiinteena is faham la,aanta ah, hadalkeyga waxaan ku soo kobayaa aan adeegsano masqaxdeena saliimka ah aan ka wada dadaalno wax kasta oo lagu mideyn karo dadkeena iyo goboladeena sida bareerka ah loo kala eeynaayo, Ninkii masqaxdiis ku macaashi waayey masqax kale kama macaasho ka seexada kana soo toosa.
W/D: Osman Mohamed Moalin
Idale News Online,Lausanne, Switzerland